Iran oo oo Kun Doolar Ku Bixisa Askarigii Maraykan Ah ee Lagu Dilo Aghanistan
WARYA TV- Wargeyska toddobaadlaha ah ee Sunday Times ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday nin qasnaji u ah Taalibaanka inuu ka soo qaaday lacag qaddarkeedu yahay $18,000 oo doolar sharikad ay Iran leedahay oo degan xarunta Kabul ee dalka Afghanistan, lacgtaas oo lagu sheegay inay tahay abaal marin la xidhiidha weerar ay Talibaanku bishii July ku qaadeen ciidamada Maraykanka oo lagaga gubay gaawaadhida gaashaaman ee ciidamada gura.
Ninka qasnajiga ah ayaa joonyad ay daqiiq ku jirto ku qaaday lacagta oo ka dibna u geeyey dagaalyahaniinta Taalibaanka ee ka dagaalama gobolka Wardak. Lixdii bilood ee ina soo dhaafay, qasnajigu wuxuu ka qaaday sharikaddaas lacag gaadhaysa $77,000 oo doolar.
Wargeyska Sunday Times ayaa baadhitaankiisii ku soo helay in ugu yaraan shan shirkadood oo
Wariyaha wargeyska, Miles Amoore, ayaa sheegay inuu la kulmay waraysina ka qaaday qasnajiga, kaasoo uu sheegay inuu ahaan jiray nin aan waxba qoran waxna akhriyi jirin hase ahaatee immika la baray sida wax loo qoro, waxna loo akhriyo. Waxa kale oo la baray ayuu yidhi wariyuhu sida wax loo xisaabiyo.
“Dan kama lihin cidda lacagta na siisa” ayuu yidhi qasnajigu. Wuxuu ku sheegay xidhiidhka ka dhexeeya
“
WARYA TV
"









