Faroole Oo Adis Ku Booqday Dhaawacyaddii Galgala

2010-09-06

 Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo booqasho ku jooga Magaaladda Adis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopi-ya,ayaa halkaas ku booqday Askartii looga Dhaawacay Dagaaladda ka dhacay Degaan-ka Galgala.

Askartaan la dabiibayo ayaa ku Dhaawacantay Dagaalo Buralaydka Gobalka Bari ku dhexmaray Ciidamadda Puntland iyo kuwo uu Hogaamiyo Shiekh Maxamed Siciid Atam,iyadoona Madaxweyne Faroole uu Amaan u jeediyay Takhaatirta Isbitaalka.

Dhinaca kale Madaxweyne Faroole oo Kullan la qaatay Mas'uuliyiinta Xukumadda Ethiopi-ya ayaa ka codsaday innay gacan ka siiyaan Dagaalka uu kula jiro Shiekh Atam.

WaryaTv Bosaso-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com