Iska Hor Imaad Ka Dhacay Degaanka Galgala
2010-09-06
Iska Hor imaad wax yeelo gaystay ayaa lagu soo Waramayaa innuu Degaan-ka Galgala ku dhex maray Ciidamadda Maamulka Puntland iyo kuwa Daacadda u ah Shiekh Maxamed Siciid Atam.
Goob joogayaal ayaa soo sheegaya in Iska Hor imaadka oo ahaa mid kooban lagu dhaawacay 2-Askari oo ka tirsan Maamulka Puntland,kuwaasoo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee Magaaladda Bosaso.
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ayaa dhinacooda sheegay innay dileen Askari ka tirsan Mucaaradka halka ay mid kale dhaawaceen.
Sikastaba ha ahaatee Dagaaladda ka dhacaya Degaanka Galgala ayaa noqday kuwo aan natiijo laheyn oo ku soo koobmay oo kaliya ku dhufo oo ka dhaqaaq.
WaryaTv Bosaso-Somalia









