Wariye Loo Xirtay Qaraxyaddii Magaaladda Kampala
 Wariye Habib Suleiman oo ka tirsan Raadiyaha Islaamiga ah ee Radio Salaam ayaa Ciidamadda la Dagaalanka Argagixisadda Kenya ku xireen Magaaladda Xeebta ah ee Mombasa xilli uu ka soo baxay Shaqaddiisa.
Habib Suleiman oo Barnaamij soo saari iyo tebiye ka ahaan jiray Radio Salaama,ayaa sidoo kale lagu bartay qabashadda Barnaamijyo Diini ah isagoona Doodsiin jiray Culimadda Islaam-ka.
Habib oo lala xiriirinayo Lu ku lahaanshiyaha Qaraxyaddii 11 July ka dhacay Magaaladda Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda ayaa loo soo dhaadhiciyay Magaaladda Nairobi si Su'aalo loo waydiiyo.
Haddaba,Qaraxyaddii Kampala oo ay Mas'uuliyadooda sheegteen Shabaabul Mujaahiduun ayaa waxaa ku Nafwaayay Dad kor u dhaafaya 74 halka tiro intaas ka baddan dhaawacyo ay ka soo gaartay,waxaana xabsiyadda ku jiro Dad baddan oo qaraxyaddaas lala xiriirinayo.
WaryaTv Nairobi-Kenya









