Hargeysa:- Qoysaska Danyarta Ah Oo Ay Nolashoodu Sii Xumaanayso

Source: Reported by Qaasim
2010-09-06

Hargeysa (Warytv.com), Magaalada Hargeysa ayaa noqotay dhawrkii sano ee ugu danbeeyey magaalo kulmisay ugu yaraan ilaa afar qoomiyadood oo kala duwan, kuwaas oo qaar kood dalka ka soo galeen xuduudaha bariga, galbeedka iyo hawdka Somaliland, waxaana lagu tilmaamaa caasimad qaadi karta umado kala duwan.

 

Dadyawga aan u dhalan dalka Somaliland ayaa badankoodu waxay la tacaalan sidii ay u soo saari lahaayeen nolol maalmood-kooda, waxaanay ku dadaalaan in aanay  ka dhicin kar karaarka nolosha.

 

Halka ay dadka qaarna marka ay magaalada Hargeysa soo galaan bilaabaan dawarisi iyo shaqooyin kale oo la mid ah, dawarisiga (Tuugsiga) ayaa ah mid soo jireen ah.

 

Waxaa halkan idiinka muuqan doona hooyo meel qashin ah ku dhex jirta, iyada oo qashinkaas dhexdiisa ka raadinaysa dhuxul, markii aan sawirka ka qaadayey runtii caloosha ayaa iga xanuuntay, waana mid qof kasta oo bini’aadami ka nixi karo.

 

Hooyadan marka aad muuqaalkeeda eegto runtii isma odhan kartid waa hooyo ajaanib ah, balse dhaqanka oo kaliya ayaad ku garan kartaa inay tahay dadka ka soo jeeda asal ahaan qoomiyada oromada.

 

Ujeedada ay qashinka u dhex gashay ee ay uga dhex raadinayso dhuxusha ayaa ah mid ay dantu ku qasabtay, waxaana ka danbeeya oo guriga ay ka soo toostay ku sugan caruur iyo waayeel, u jiifa wixii cuno loogu Karin ahaa, runtii mar aan su’aal weydiiyey oo aan ku idhi

 

S. Dhuxushan xashiishka ah maxaad ku falaysaa waxba kuuma hurin kartee? Se maxaa kugu kalifay? Waxay iigu jawaabty

 

“Danta ayaa nagu kaliftay, wax dhaama ma haysano, caruur yar yar iyo aabahood ayaa guriga ii jooga cid iyo ciirsila ayey fadhiyaan, danta ayuunba na bada waxan aanu qashinka ka dhex uruursanayno, maalindii oo dhan magaalada ayaan u soo xaabaa”

 

Noloshaas iyo nolon ka sii liidata ayey dadka qaar ku nool yihiin, halka ay qoysaska qaarna habeenka kaliya ku casheeyaan lacag dhan boqol doolar iyo wax ka badan.

 

Shacabka ku nool magaalada hargeysa ayaa ah kuwo aan war iyo wacaal isku hayn dhanka la tacaalida nolol maalmeedka.

 

 

H

 

Waryatv/Hargeysa

Ibrahimqasim@waryatv.com

 

 

 


Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com