Golaha Guurtida Oo Maanta Ku Kala Aragti Duwanaaday Mudo Kordhinta Doorashooyinka Soo Socda
Hargeysa
(Waryatv.com), Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen golaha
guurtida
Ku
simaha gudoomiyaha ayaa mudanayaasha golaha guurtida ujeedada fadhiga maanta ku
war galiyey in golaha la soo dhex dhigay warqad ka timi dhanka madaxweynaha,
taas oo salka ku haysa sidii mudo kordhin loogu samayn lahaa doorashooyinka,
golaha deegaanka iyo baarlamaanka.
Mudanayaasha
oo ay tiradoodu kor u dhaafaysay afatameeyo ayaa ka dhiibtay dareeno kala duwan
warqada la soo dhex dhigay, waxaanay qaarkood soo jeediyeen in madaxweynuhu ka
noqdo mudo kordhinta uu dalbanaayo.
Kulanka
ayaa isku bedelay mid xamaasadi ku jirto, waxaana ay xildhibaano badani soo
jeediyeen in aan dib loo dhigin doorshooyinka baarlamaanka, balse qaar ayaa
iyagu ogolaa in dib loo dhigo doorashada golaha deegaanka.
Ku
simaha gudoomiyaha golaha guurtida Sh Fure ayaa ka codsaday mudanayaasha in
maalinta
Ilaa
hada ma cada sababta uu madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo ku codsaday in dib loo dhigo doorashooyinka saddexda gole.
Doorashooyinka
Golaha deegaanka ayaa hada ah mid mudo dhaafa, waxaana sidoo kale wakhtigi uu
ka sii dhamaanaya labada gole ee guurtida iyo wakiilada.
Isku
soo wada duuboo waxaa jiray kulan afar geesood ahaa oo ay mudo ka hor ay wada
qaateen madaxweynaha, guurtida, wakiilada iyo ku simaha golaha deegaanka, kaas
oo lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka soo socda, in kastoo aanay jirin
qodobo laga soo saaray kulnakaas.
Waryatv/Hargeysa









