Jeceylkii Facebook-ga Fajac Muu Igu Rebay

2010-09-06

 Waayaha adunka waa isdaba socdaan marka aad fiirisid sida adunyada isu dhaafeyso ma ahan wax la isku haleyo ama la is raacsho.

Magaceygu waa Luul waxanku dhashay magaalada marka.  Xarunta gobolka shabelleda hoose sanadka marku ahaa 1982 waxbarashadayda waxanku so qaatay dugsi qur,an  oo ku yaalay magalada marka.

kadibna waanka so qaxnay waxana ka bilaabay waxbarashada iskuladka dugsiga Xalane ee ku yaalo Xerada qaxootiga ee ku taalo dhadhab-kenya gaar ahan ifo- sanadikii 2006 ayaa waxan si aad ah u xiisen jiray aalada internetka qaasatan qeybta msnka waxana akhrisan jiray newska waxan maalin maalmaha kamid ah ka dhex helay maqaal”

lagu qoray afka ingirisiga oo aad loo xarakeeyey waxana daba galay ninkii qoray maqaalkaas oo ahaa somaali isla markaasna ku noolaa wadanka mareykanka.  Waxana kudarsaday emailkiisa,si an u ogaado u jeedadi u u qoray maqaalkas. Maalma kadib waxanku kulunay qadka msnka. Waxana isku baranay halkii. magaciisu ayuu iisheegay Abdulqadir,

Waxan noqonay dad aad isu xiriiriyo heermarkiidambe an isu qaadnay jeceyl waxana isdhaafsanay sawiro,

Abdulqadir wuxu iga ballan qaaday in uu iga dhigandoona mustaqbalkiisa walo uu lahaa xaaskale, ana waxanka ballan qaaday in aankaga bixidoonin ballanta.

Waxana wada xiriiri jirna mudo afar-sano ah oo u ku noolaa dalka mareykanaka ana anku noola magaalada Nairobi.  

Gacaliyehayga wuxuu igu soo biili jiray magalada nairobi waxana aheen lamaane is aamine oo aad isu jeceyl. Sikasta ha ahaatee gacaliyehayga wuxu soo caga dhigtay magaladi anku noolaa ee nairobi.

Wuxuna ku soo degay Hotel ka mid ah hotelada Isli.

Waxana ku ballana in u igu yimaado guurigi anku noola.    

Ee habar-yartey. Xaqiiqdii waxan u qabay hamiweyn, balse ma noqonin midkan rabay. Oo wuxu noqday nin oday ah islamarkaasna ka baqayo xaaskiisa.

Wuxuna ii sheegay in guurkeena uu noqondoona mid qarsoodi ah islamarkaasna uu si dhaqso ah kulaabandoona. Sababtu wuxu ku sheegay in Xaaskiisa amerika joogta hadii ay ogaato inay xeridoonta.

Arrinkii wuxu igu noqday mid an la fajacay, oo waxa ilasoo deristay feker iyo walwal.  Waayo waxan mustaqbalkeyga sugaaye mudo aad u dheer. Isla markaas na mustaqbalkeygi wuxu noqday mid mugdi galay.

Waxana ku iri gacaliyahegi aan aad ka u jeceylaa anigoo ilimeynaayo wan ka soo fekeraa arrinkaas.  Sedax sabab aawadeed.

1.guurikeyga ma ahan mid qarsoomayo.

2.ma ahan dooqeyga ninka an hawadaka jeceylaaday.

3. Xaaska hada leh wanku xeri hadi ay ogaato xageebu kudambeen doonaa mustaqbalkeena?  

Arrinka igu dhacay ama anka dhaxlay jeceylkii internetka. Waxankaga digayaa hablaha walaalahay ee soomaaliyeed in ayka foojinaadan inay jeceyl u qaadan nin aysan arkin ama aysan garaneynin,tanlabaad waxanka codsanayaa dhamaan inta akhrisato ee muslimiinta ah, ama soomaali ah inay igu biiriyaan caqligooda iyo fikradahooda salimka ah sida anka yeeli lahaa dhacdadan waayo weli jawaab ma siinin gacaliyahayag abdulqadir).

W/Q:  Xalwo Cabdi Cali


Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com