Ghana Oo Sheegtay Innay Ciidamo U Dirayso Somalia
Xukumadda Ghana ayaa Shaaca ka qaaday innay Ciidamo u dirayso Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya,si ay qayb uga noqdaan Ciidamadda Uganda iyo Brundi ee Nabad ilaalinta u jooga halkaas.
War Qoraal ah oo la soo baxay Xafiiska Taliyaha Guud ee Ciidamadda Dalka Ghana ayaa la sheegay in Soomaaliya ay u dirayaan Ciidamo gaaraya 1-Batilyan,si ay uga mid noqdaan Ciidamadda AMIOSM.
Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa Mr. Jan Ping dhinaca kale Carab-ka ku dhuftay in Ciidamadda Ghana ay ka mid noqonayaan Ciidamadda Nabad ilaalinta loo gaynayo Soomaaliya,isagoona xusay innay Dalal kale oo Africa ku yaal innay Ciidamo ka sugayaan.
Waa markii ugu horaysay oo Ghana ay shaaciso innay Ciidamo Nabad ilaalinna u dirayso Dalka Soomaaliya,iyadoona shaacin xilliga ay Ciidamadaas dirayso.
Haddaba,Magaaladda Muqdisho oo ay Maalmihii dambe ka socdeen Dagaalo la isku mari waayay ay u muuqataan in Xilligaan dhinacyaddii Dagaalamayay ay Ciidamo isku dalbadeen.
WaryaTv Nairobi-Kenya









