Degmooyinka Wardhiiglay, Hodan iyo Hawl-wadaag Oo Dagaal Ka Socdo

Source: Reported by Qaasim
2010-09-06

 Muqdisho (Waryatv.com), Wararka hada naga soo gaadhaya magalaada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culusi ka socdo degmooyinka, Hawl-wadaag, Hodan iyo wardhiiglay.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in la isku adeegsaday huka culus, waxaana ilaa hada la maqlayaa madaafiic xoogan oo ku soo dhacaya qaar ka mida degmooyinka uu ka socdo dagaalku.

Goobta uu dagaalka ka bilaabay ayaa todobaad ka hor waxaa ku dagaalamaayey dawlada ku meelka ah oo kaashanaysa Amisom iyo kooxaha ka soo horjeeda dawlada ee Al-shabaab.

Xiligan oo lagu jiro habeen ilaa hada ma cada khasaaraha dhashay dagaalka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ka soo baxaan xogo dheeraad ahi.

 

 

 

 

 

Waryatv/Muqdisho

Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com