Laba Xildhibaan Oo Ka Mida DKMG Ah Ee Somaliya Oo Maanta Loo Gudbiyey Jeelka Awdal
Boorama
(Waryatv.com), Laba xildhibaan oo mudo laba todobaad ka hor soo gaadhay
magaalada Boorame ee gobolka awdal ayaa maanta jeelka gobolkaas loo
dhaadhiciye, kadib markii ay ku jireen saldhiga boorame, labadan xildhibaan ayaa ka mid ah xildhibaanada DKMG ah ee
somaliya.
Ciidanka
booliska ee gobolka awdal ayaa gacanta ku dhigay markii la qarxiyey Hotel Muna
oo ku yaalaa magaalada muqdisho, waxaana la sheegay inay gobolka u yimaadeen
nabad galyo, balse aanay dawlada Somaliland ka helin soo dhaweyn iyo cafis.
Xildhibaan
Axmed Xuseen (Sitiin) iyo Cabdoo Shoodhe ayaa la sheegay inay asal ahaan ka soo jeeda
gobolka awdal.
Mudanayaasha
ayaan lagu qaadin xukun maxkamadeeda, waxaana si toosa maanta loogu
dhaadhiciyey jeelka gobolkaas awadal, mana jiraan wax cudur daara oo ay ka
bixyeen maamulka gobolku sababta loo marin waayey maxkamada gobolka.
Isku
soo wada duubo arrinta xildhibaanada ayaa soo jiitamaysay in mudo ah, waxaana
lagu wadaa kiiskooda dib loo eego.
Waryatv/Hargeysa









