Muqdisho Oo Dagaalo Loo Nacay + Sawiro
Boqolaal Dad ah ayaa Maalin walba ka Qaxa Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho,si ay uga badbaadaan Dagaaladda Dhimashadda iyo Dhaawaca leh ee aan Dhamaadka laheyn,kuwaasoo u dhexeeya Ciidamadda Dowladda oo ay kaabayaan kuwa Midowga Africa iyo Islaamiyiinta iskaashana ee Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab.![[Somali+woman+walks+past+a+church+destroyed+by+fighting+in+Mogadishu+January+6,+2008..jpg]](http://3.bp.blogspot.com/_QfVWU-2pVL4/SgGdZHojD7I/AAAAAAAAF-A/ytgSZ0ZpFT4/s1600/Somali%2Bwoman%2Bwalks%2Bpast%2Ba%2Bchurch%2Bdestroyed%2Bby%2Bfighting%2Bin%2BMogadishu%2BJanuary%2B6,%2B2008..jpg)
Dhinacyadda Dirirtu u dhexayso oo aan u turaynin Shacabka Taagta daran ee aan haysanin tabar ay uga baxsadaan Dagaaladda ayaa Madaafiic ku garaaca goobaha ay ku suganyihiin Shacabka iyagoona sidoo kale Miinooyin Dhulka ugu aasa.

Shacabka oo Rajadoodii Xasilooni Mugdi geshay ayaa isaga baxay Caasimadda Dalka Soomaaliya,iyagoona dagay Guryo Cooshado ka samaysan oo ku yaala Duleedka Caasimadda kuwaasoo aan celin karin roob-ka iyo dhaxanta Habaynkii dhacaysa.
Haweenay Cunug yar oo ay Dhashay Gacanta ku dhegan ayaa WaryaTv Bartamaha Xaafadda Boondheere ugu sheegtay innay quus ka taagtay ku sii noolaanshiyaha Caasimadda,iyadoona sheegtay innay Dagaaladda u nacday Xamar oo ay mudo mugdi ugu nooleyd.
Dhinacyadda Dagaalamaya ayaa xilligaan ay u muuqataa innay isku Ciidan dirsadeen,waxaana Magaaladda ka Qaxaya Shacabka oo aaminsan innay soo socdaan Dagaalo lagu hooban doono.![[Two+men+carry+a+wounded+man+as+militiamen+engage+in+a+firefight+against+government+troops+in+Somalia's+capital,+Mogadishu+on+March+30,+2009..jpg]](http://4.bp.blogspot.com/_QfVWU-2pVL4/SgGdY0Q9-9I/AAAAAAAAF94/GccR4xMDsVA/s1600/Two%2Bmen%2Bcarry%2Ba%2Bwounded%2Bman%2Bas%2Bmilitiamen%2Bengage%2Bin%2Ba%2Bfirefight%2Bagainst%2Bgovernment%2Btroops%2Bin%2BSomalia%27s%2Bcapital,%2BMogadishu%2Bon%2BMarch%2B30,%2B2009..jpg)
Sikastaba ha ahaatee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xilligaan waxaa ka muuqda bur burkii ugu xooganaa,iyadoona Dadka oo silic ugu dhimanaya dariiqyadda lagu aasayo wadooyinka.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









