Mano Menezes Oo Soo Celinaya Ronaldinho
Macalinka cusub ee xulka Brazil Mano Menezes ayaa
xidigii hore ee xulka Brazil iyo kooxda Ac Milan Ronaldinho ka codsaday
in uu aqbalo in u udib ugu soo laabto xulka Brazil.
Macalin Mano Menezes oo waraysi gaar ah siinayay wargeyska La Gazzetta dello Sport ee Dalka talyaaniga kasoo baxa ayaa yiri.
Waxaan aad u jeclahay in aan arko Ronaldinho iyo aniga oo wada shaqeyn
fiican na dhex Marto Ronaldinho ma aha nin da'a ah waana shaqsi ay
xirfadiisa kubadeed ay xaadir tahay aniga mar mar ka qaar aad ayaan u
daawada kooxda Milan waana i cajabisaa xirfadiisa gaar Ka ah ee aan weli
dhamaan waa sababta aan hada u damacsanahay in aan dib ugu soo Celiya
xulka Brazil ayuu yiri Mano Menezes.
Mano Menezes oo sii wata hadalkisa ayaa muujiyay sida ay markale
difoosayasha xulka Brazil ay u xiiseynayaan dib u arkita xidig
Ronaldinho hadii tasi ay dhacdona uu ku Tilmaamay sharaf markale usoo
hoyday dadka reer Brazil oo sanadka 2014 Dalkooda marti Loogu yahay
tartanka koobka aduunka.
Sanadka 2014ka oo Dalka Brazil lagu marti gelinaya koobka aduunka ayaa
macalinka cuusb ee xulka Brazil Mano Menezes in uu is bedel xoog leh ku
sameeyo xulka Brazil isaga tan iyo markii u xilka maclinimo Brazil uu
qabtayna waxa uu dib xulka Brazil ugu soo celiyay Pato oo horay maclain
Dunga xulka uga saaray isaga oo haatana u yeeray Ronaldinho.
Ronaldinho oo labo mar noqday xidiga aduunka una soo ciyaaray kooxda
weyn ee Barcalona Hadana ka mid ah xidigaha kooxda Ac Milan ayaa qaranka
Brazil aan ka mid ahayn Ciyaartoygii sanadkan Brazil u matalaysa koobka
aduunka kadib markii xulka uu ka saaray Macalin Dungo.
ilaa hada si toos ah uga ma uusan hadlin Ronaldinho oo ah xidiga hada
loo furay albaabada xulka Brazil hadii uu aqbali karo dib ugu noqoshda
xulka Brazil iyo in uu aqbali doono codsiga macalinka cusub ee xulka
Brazil Mano Meneze.
Xassan Maxamed Aaden Kaysar
WaryaTv Nairobi-Kenya









