Shariif Oo Loogu Baaqay Innuu Mucaaradka La Heshiiyo

2010-09-06

 Ku Xigeen-ka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Lynn Pascoe iyo Wakiilka UN-ka ee Arrimaha Soomaaliya Augusttine P. Mahiga oo Maanta booqasho ku tagay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Shariif ugu baaqay innuu Mucaaradka Heshiis la furo si aan loo daawan Shacabka dhibaatoonaya.

Kullan-ka oo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa Madaxweyne Shariif loogu baaqay innuu Heshiis la furo Mucaaradka si xal looga gaaro dhibaatada Dowladda KMG ahna u noqoto mid shaqaysa.

''Way Adagtahay In La Eegto Shacabka Soomaaliyeed Oo Baa Ba'aya,Waana Dowladda,Waxa La Doonayay In Ay wax U Qabato Shacabka Oo Aysan Danahooda Eegin'',Ayuu yiri Lynn Pascoe,isagoona intaas ku daray in Dowladda ay taageero ka haysato Beesha Caalamka balse loo baahanyahay innay hurdada ka kacdo oo wax qabato si wada jir loogu howl galo.

Haddaba,Labadaan Mas'uul ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamadda AMISOM,iyagoona sidoo kale booqday Isbitaalka Ciidamadda Midowga Africa oo soo indha indheeyay qaabka wax loo dabiibayo.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com