Eritrea Oo Hub Casri Ah Ugu Deeqday Al-Shabaab
Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ayaa sheegaya innay halkaas caga dhigatay Diyaarad laga leeyahay Dalka Eritrea oo Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahiduun u sida Agab iyo Saanad Milateria.
Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in xilliga Dayuuradaas ay Garoonka cagga dhigatay Amaanka aad loo adkeeyay,iyadoona la kala diray Shaqaalihii Garoonka Muddo Kooban.
Eritrea ayaa horay loogu eedeeyay innay gacan siiso Mucaaradka ka soo horjeeda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya,iyadoona horay gacan ugu fidisay Urur-kii Asmara ee Shiekh Shariif iyo Xassan Daahir Aweys Hogaaminayeen.
Qaramadda Midowbay ayaa dhawaan Shaacisay innay Macquul tahay in Eritrea ay Hub siisay Hogaamiyaha Dagaalka kula jira Maamulka Puntland ee Shiekh Atam inkastoo Wararkaas aan la xaqiijin.
Sikastaba ha ahaatee Diyaaradaan Hubka u sidda Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaysa xilli Magaaladda Mqdisho ay isugu ciidan yeeranayaan Al-Shabaab iyo AMISOM.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









