Wasiir Gaboose Oo Ka Hadlay Khatarta Dagaalka Deegaanka Galgala
Hargeysa (Waryatv.com), Wasiirka arrimaha
gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay
xaalada amaan ee Somaliland, waxaanu sheegay in dagaalka ka socda Galgala uu
khatar ku keeni karo Somaliland, haddii ay xaaladu intaas ka sii qadhaadhaato.
Wasiirka ayaa sheegay in xaalada Somaliland ee
nabad galyo uu dagaalkaas ka dhexeeya ciidanka dawlad goboleedka Puntland iyo
kooxda mayalka adag ee uu hogaaminaayo Sh Atom uu wiiqo karo
Wasiir Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sidaas ka
sheegay kulan ay isku arkeen koox wasiiro ah, kuwaas (Wasiirada) oo ka
waramaayey wax-qabadkii intii ay xilka hayeen.
Wasiirada ayaa ka waramay wixii u qabsoomay
intii ay joogeen wasaaradaha ay masuulka ka yihiin, waana kulankii ugu horeeyey
ee ay yeeshaan xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukumada cusub, kulankaas oo ka
baxsanaa xayndaabka aqalka madaxtooyada, isla markaana ka dhacay wasaarada
war-faafinta
Isku soo wada xooro wasiirka arrimaha gudaha
ayaa farta ku goday in laga fiirsado khatar kasta oo ka dhalan karta dagaalada
goos gooska ah ee ka socda deegaano ka tirsan Puntland.
Gobolada laga cabsida qabo in uu dagaalku
saamaynta ugu weyn ku yeesho waxaa ka mida gobolka Sool deegaano ka tirsan, in
kastoo uu ciidanka
Hargeysa/Waryatv
ibrahimqasim@waryatv.com









