7 Budhcad Badeed Somali Ah Oo Mambassa Lagu Saaray Maxkamada

Source: Reported by Qaasim
2010-09-07

Mambassa (Waryatv.com), Maxkamada Mombasa ee dalka Kenya ayaa todobo budhcad badeed somaali ah ku xukuntay min shan sano oo xadhig ah, kadib markii uu ka cadaaday dambiga lagu soo oogay.

Budhcad badeeda ayaa lagu soo eedeeyey inay rasaas ooda kaga qaadeen isla markaana ay isku dayeen inay qafaashaan markab lagu magacaabo MV Spessart bishii seddexaad ee 2010, balse kooxda budhacad badeeda ah ayaanay u suura galin inay afduuban markabkaas.

Sidoo kale markii la soo qab qabtay waxaa laga helay hub aad u tiro badan, hubkaas oo uu badnaa qoriga loo yaqaano, Baasuukaha, AK-74, midiyo, waxaana la hor keenay goobtii dambigooda lagu qaadaayey.

Todobadan nin ee lagu xukumay mid 5-ka sano ayaa waxaa dalka Kenya u soo gacan galiyey ciidamada ilaalada xeebaha somaliya, horaantii bishii March ee 2010.

Maaha markii koowaad ee sidan oo kale maxkamada ku taal dalka Kenya loogu xukumo kooxo ka tirsan budhcada ka qawlaystay xeeba Somaliya, balse waxaa jiray dhalinyo tiro badan oo hada ka dhex caweynaya jeelka wadanka Kenya, kuwaas oo u xidhan falal ka dhana qafaalashada markiibta ku socdaasha biyaha somaliya.

 

Waryatv/Keyna

ibrahimqasim@waryatv.com

 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com