Qarax Xoogan Oo Goor Dhaweyd Ka Dhacay Guriceel

2010-09-07

Warar goor dhaweyd naga soo gaaray Degmadda Guriceel ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in uu ka dhacay Qarax Xoogan oo waxyeelo gaystay.

Qaraxa oo ahaa nooca gacanta laga tuuro ayaa la sheegay in lagu Weeraray Guriga Gudoomiyaha Magaaladda Guriceel,ilaa haddana macadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashya.

Ehelka Gudoomiyaha Magaaladda Guriceel Cismaan Ciise Tardhuleed ayaa la sheegay innay waxyeelo ka soo gaartay Qaraxa Caawa oo ahaa mid aad u xoogan.

Sikastaba ha ahaatee ilaa hadda macadda innuu Gudoomiyaha ku sugnaa Gurigiisa xilligii la weeraray iyo in kale.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com