12 Darawal Oo Xabsi Ku Mutaystay Dad Ay Qaadeen
Warar-ka ka imaanaya Magaaladda Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda ayaa sheegaya in Xabsiga la dhigay oo Su'aalo la waydiinayo 12-Takaasilay Soomaaliya,kuwaasoo la xiriira Dad ay ka soo qaadeen Garoon-ka Diyaaradaha ee Entebbe Airport.
Waxda Socdaalka iyo Ciidamadda daba galka ayaa sheegay in la la'ayahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen Dad ay Takaasilaydaan ka soo qaadeen Garoon-ka Diyaaradaha.
Haddaba,Taxaasilayda Dalka Uganda ayaa sheegay innay dhibaato kala kulmaan Soomaali ay Garoon-ka ka soo qaadaan oo marka gudaha Dalka ay galiyaan dhuunta.
Sikastaba ha ahaatee Amaanka Dalka Uganda ayaa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay Qaraxyaddii Mataanaha ahaa ee ay ku Nafwaayeen Dadka baddani,kuwaasoo ay Mas'uuliyadda sheegteen Shabaabka Soomaaliya.
WaryaTv Nairobi-Kenya









