Nino Oo Loo Aqoonsaday Ninka Dunidda Ugu Gaaban + Sawiro
2010-09-07
Edward Nino Hernandez oo u dhashay Dalka Colombia ayaa loo aqoonsaday Ninka Dunidda ugu gaaban,isagoona Magaciisa lagu daray Buuga lagu daabaco Mucjisooyinka Adduunka ee Guinness World Records,markii uu ka sii gaabnaaday Raggii horay u Hogaaminayay gaabnidda Ragga Dunidda ku nool.

Nino ayaa lagu cabiray Dheerarkiisa 27In iyo 70Cm waxaana Hooyaddii Dhashay ay sheegtay innuusan korin laga soo bilaabo 3-sano jirkiisii,iyadoona Culayskiisa ku sheegtay 22lb (10kg).

Owgaabkaan oo laga dayrinayo Xaaladdiisa Caafimaad ayaa sheegay innuu aad ugu faraxsanyahay innuu noqdo Ninka Ragga Dunidda ugu gaaban,balse waxaa uu ka cowday Dadka oo Madaxa ka Salaaxa ama taabta marna sida boorsadda Gacanta kor ugu qaada.

Waxaa uu sheegay dhinaca kale innuu Jecelyahay Qoobka Ciyaar-ka,Gaari innuu yeesho iyo innuu Dunidda Daawado,isagoona intaas ku daray innuu la sheekaysto oo Dunidda ugu Jecelyahay Gabar 18-sano jir ah taasoo isaga ka gaaban oo dheerarkeedu yahay 5ft laguna Magacaabo Fanny.
(1) He Pingping oo u dhashay Dalka China ayaa ahaa 1.5in iyo (4cm) waxaana uu geeryooday 13-kii March.
(2) Khagendra Thapa Magar oo u dhashay Dalka Nepal ayaa ahaa 22in (56cm),isagoona 18-sano jirsaday 14-kii Octobe.
Saciid C/llaahi Kulmiye ''Nadaara''
WaryaTv Nairobi-Kenyasaciidnadaara@hotmail.com
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)