Wajiggii Labaad Ee Kala Harka Euro 2010-ka
Koobka Euro Euro 2012 oo ah koobka ay xulalka
qaarada yurub Ayaa is reeb reeb kiisa si Toos ah uga bilowday dhamaan
garoomada qaarada yurub iyadoona uu wejiyadii labaad la Ciyaaray markii
axadii iyo sabtidii lasoo dhaafayna ay xulaku dheeleen kulamo adag.
Xulka England oo ciyaartii ugu horeysay guul ku bilaabay ayaa mar kale
guul qurxoon ka Helay xulka Switzerland kulan adag oo labada xul ku dhex
maray magalada Basel ee dalka Switzerland.
Ciyaartoyga xulka England oo qabo foojignaan aad u weyn maadama ay
sanadkii 2008dii ay Ka hareen koobkii Europe ayaa markale sidex iyo hal
uga adkaatay xulka Switzerland oo ay Marti u ahayd,
Bandhiga goolasha waxaa bilaabay wiilka ay fadeexadu soo wajahday Rooney
daqiiqadii 10-Aad ee bilowgii goolkii labaadna waxa si quruxbadan
shabaqa xulka Switzerland dhex Dhigay A. Johnson.
xulka Switzerland gool uu u dhaliyay xidigooda X. Shaqiri ayay rajo
kusoo yesheen balse Waxaa rajadasi tir tirayay xidiga kooxda Seldirland
D. Bent oo daqiiqadii 88-aad goolki Sidexad ku quusiyay xulka
Switzerland.
Xulka Talyaaniga waxa xasuuqay xulka Faroe Islands waxana uu kaga
adkaaday shan gool iyo waxba A. Gilardino,.D. Rossi,A. Cassano,F.
Quagliarella iyo Pirlo ayaa ukala saxiixay Goolsha xulka talyaaniga.
Xulka Germalkana uu ku ciil baxay shabaqa xulka Azerbaijan kadib markii ay ka dhaliyeen Nus darsin goolal ah.
Xulka France oo ciyaarteedii furitaanka magalada Paris looga adkaadayna
waxa ay 2 iyo Waxba ku garaacday xulka Bosnia-Herzegovina K. Benzema iyo
F. Malouda ayaa France Goolsha siiyay.
Xulka Swedana waxa uu ku bar bartay xulka San Marino lix gool iyo waxba
ayuu kaga adkaday xulka Holland 2 gool uu u dhaliyay .J. Huntelaar ayay
kaga badiyeen xulka Finland
Norway wax ay guul aan la fileyn ku quusiyay xulka Porugal.
Natiijooyinkii kale ee is reeb reebka koobka Euro 2012.
Turkey 3 - 2 Belgium
Austria 2 - 0 Kazakhstan
Russia 0 - 1 Slovakia
Rep. of Macedonia 2 - 2 Armenia
Rep. of Ireland 3 - 1 Andorra
Faroe Islands 0 - 3 Serbia
Belarus 0 - 0 Romania
Georgia 0 - 0 Israel
Malta 0 - 2 Latvia
Croatia 0 - 0 Greece
Denmark 1 - 0 Iceland
Xassan Maxamed Aaden Kaysar
WaryaTv Nairobi-Kenya









