Shabaab-ka Oo Digniin Culus U Diray Uganda

2010-09-08

 Shabaab ee ka dagaama Koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa Xukumadda Uganda uga digay innay Ciidamo dheeraad ah ku soo daabusho Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Shiekh Fu'aad Shangole oo ka mid ah Saraakiisha Xarakadda Al-Shabaab ayaa ka digay Ciidamo Uganda ay u soo dirto Soomaaliya,isagoona xusay innay ku halaagmi doonaan Ciidamo kale oo Soomaaliya.

Uganda oo ay Ciidamo ka joogaan Magaaladda Muqdisho ayaa dhawaan ka dhawaajisay innay Ciidamo dheeraad ah u dirayso Soomaaliya haddii ay kaalmayn iyo dhaqaale ka hesho Xukumadda Warshinton.

Haddaba,Hadlkaan ka soo yeeray Al-Shabaab ayaa waxaa jawaab kulul ka bixiyay Saraakiisha AMISOM ee ku suga Muqdisho iyagoona ugu baaqay Uganda innaysan fuudaysan Handadaada ka soo yeertay Al-Shabaab.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com