Duqaymo Goor Dhaweyd Ka Bilowday Muqdisho
Wararka ka imaanaya Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya innay goor dhaweyd halkaas ka bilowdeen Duqaymo Xoogan oo ay is wiidaarsanayaan Ciidamadda AMISOM iyo Xoogaga Islaamiyiinta ah.
Duqaynta oo daqiiqado ka hor bilaabatay ayaa la sheegay innay markii Xoogaga Islaamiyiintu ay dhowr jiho Hoobiyaal uga Weerareen Ciidamadda AMISOM,taasoo keentay innay Ciidamadda Midowga Africa Madaafiic Jawaab ah Magaaladda u qaybiyaan.
Magaaladda Muqdisho oo ay Shalay ka dheceen Dagaalo Xoogan oo dhinacyaddii Dagaalamay oo guulo wadda sheegteen ayaa Saaka laga dareemayay deganaansho buuxda.
Haddaba,waxaana cadayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqaymaha xilligaan ku soconaya Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









