Robin Van Persie Oo Dhaawac Adag Galay
Xidiga xulka Holland iyo kooxda Arsenal Robin van Persie ayaa mar kale galay dhaawac Adag oo sababay in mar kale bilooyin uu ka maqnaado ciyaarista kubada cagta.
Robin van Persie inta badan xili ciyaareedkii dhamadaay garoomada ka maqnaa dhaawac Halis ah oo garay dardiisa ayaa dhaawaciisa soo rogaal celiyay ciyaartoo ay kooxda Arsenal 2 iyo 1 ay kaga adkaadeen kooxda Blackburn 28 kii bishii Agus ee an soo dhaafnay.
Xirirka Kubada cagta ee dalka Holland ee looyaqan The Netherlands Football Association ayaa Robin van Persie ka saaray liiska ciyaartoyga holland ee ka qeyb qaadanaya taranka is Reeb reebka koobka Euro 2012ka waxana ay xirirka dib xulka mudo labi sano kadib u Yeereen xidigii hore ee kooxaha Man utd iyo Real madird Van Nistelrooy oo mar kale helay Fursad ka mid ahan shaha xulka holland isaga oo shantii gool oo ay xulka Holland kaga Badiyeen San Marino mid ka mid ah uu dhaliyay isagoo ciyaarta bedel kusoo galay.
Macalinka kooxda Arsenal Wenger ayaa sheegay in Robin van Persie uu kooxda uu ka Maqnaan doono labda kulan ee ugu horeeya koobka Champions Leuge ciyaarta hore Arsenal waxa ay gurigeeda ku qabili doontaa kooxda Braga 15 September halka kulanka xigana oo away ah Arsenal ay la dheeli donta kooxda Partizan Belgrade 13 beri kadib kulankooda Furitaanka Champios leuge.
Robin van Persie sidoo kale waxa seegi doonan shan kulan oo ka tirsan horyaalka Premier League oo ay ku jiraan kulamada Tottenham iyo Chelsea oo ay kala dheeli doonaan 21 September iyo 3 October.
Xidiga Robin van Persie ayaa deris dhow la noqday dhaawacyo soo wajahay isaga oo xili Ciyaareedkii dhamaaday dhawac halis ah oo soo wajahay in uu garoomada ka maqnaado mudo shan bilood ah.
Kooxda Arsenal oo uu horay dhaawac uga maqnaan xidigooda samir Nasri ayaa isna dib ugu soo noqday goobaha tabarka sida ay shaaciyeen horjoogayaasha kooxda Arsenal.
Dhaawaca Robin van Persie waxa ay fursad aan soo mari doonin u tahay xidiga 34 jir ka ah ee Van Nistelrooy oo isagu dheeli doona dhamaan kulamada is reeb reebka koobka Euro 2012ka maadama uu asan waqti dhow garoomada lagu dhex arko doonin Robin van Perse.
Hadii uu dhaawacyada soo wajahyao Robin van Persie ay sii bataan waxa ay u horseedi Kartaa in uu gebi ahaanba isaga fariisto ciyaarista caalamiga ah gaar ahaan xulkisa Holland.
Xassan Maxamed Aaden Kaysar
WaryaTv Nairobi-Kenya









