Sheikh Axmed Madoobe Oo Gaaray Ethiopi-ya
2010-09-08
Shiekh Axmed Shiekh Maxamed (Axmed Madoobe oo ah Hogaamiyaha Ciidamo ka tirsan Mucaskarka Raaskambooni,horayna uga tirsanaan jiray Xisbul Islaam ayaa la soo sheegayaa innuu gaaray Magaaladda Adis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopi-ya.Booqashadda Adis Ababa ee Axmed Madoobe oo ay innoo xaqiijiyeen Ilo Wareedyo lagu kalsoonyahay,ayaa haddana waxaa Safarkiisa ka soo baxaya Warar baddan oo is khilaafsan.
Warar qaar ayaa tilmaamaya in ay u yeereen Saraakiil Ethiopi-yaan ah oo doonaya innay ka caawiyaan Dagaalka Xoogan ee uu kula jiro Mujaahidiinta Al-Shabaab,halka qaarna ay sheegayaan innuu doonayo in la heshiisiiyo isaga iyo Mas'uuliyiinta Dowladda KMG ah.
Waxaa iyana soo baxaya Warar kale oo sheegaya innuu Casumaad ka helay Jamhadda UWSLF oo dhawaan heshiis la Saxiixatay Ethiopi-ya doonaysana innay heshiisiiso iasaga iyo Ethiopi-ya.
Dhinaca kale Wararka ka imaanaya Xuduudda Soomaaliya iyo Ethiopiya ayaa sheegaya innay halkaas ku soo wajahanyihiin Ciidamadda iyo Gaadiidka Dagaalka Ethiopi-ya kuwaasoo doonaya innay gudaha u galaan Soomaaliya.
Haddaba,Ciidamaddaan ayaa la sheegay innuu qorshohoodu yahay innay Dowldda u gacan geliyaan Goboladda ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
WaryaTv Muqdisho-Somalia









