Xulka 17-Jiradda Somalia Oo Ku Dhex Dhuuntay Masar

2010-09-08

 Warar-ka ka imaanaya Magaaladda Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar ayaa sheegaya in la la'ayahay halka ay Jaan iyo Cirib dhigeen 10-Ciyaartooy oo ka tirsanaa Xulka Qaranka 17-Jiradda Soomaaliya,kuwaasoo Shalay la dheelay Xulka Qaranka Masar.

Ilo Wareedyo ku dhoow Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa sheegaya in Xalay ay Hoteeladooda ka baxsadeen 10-Ciyaartooy oo ka tirsanaa Xulka Qaranka 17-Jiradda Soomaaliya.

Xulka Qaranka 17-Jiradda Masar ayaa 3-0 uga adkaaday Ciyaar xiiso badnayd oo Shalay ka dhacday Magaaladda Qaahira ee Caasimadda Dalkaas.

Ciyaartooyda iyo Mas'uuliyiinta ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa badanaa Dalka aan dib ugu soo laaban marka Dalalka dibadda ah Kullamo loogu qaado.

Sikastaba ha ahaatee Ciyaartooydaan oo aan aheyn kuwii ugu horeeyay oo baxsaday,ayaa haddana baxsashadooda lala xiriirinayaa dhibaatooyinka ka jira Dalka Soomaaliya.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com