Reer Nairobi Iyo U Diyaar Garoowga Ciida
2010-09-08
U Diyaar garoowga Maalinta Ciida ayaa laga dareemayaa Magaaladda Nairobi gaar ahaana Xaafadda Islii (Eastleigh),iyadoonaa Suuqyadda Xaafadda ay buux dhaafiyeen Boqolaal Dad ah oo ku Masqhuulsan Xulashadda Dharka ay ku la bisanayaan Maalinta Dahmaashaadka Ciida.
Markaa aad dhex maraysid Suuqyadda Xaafadda Islii ayaad arkaysaa Dad Raxan Raxan u socda oo Dhar iibsanaya iyo Waalidiinta Caruurtooda gacmaha hayo oo u iibninaya dharka iyo agabka kale ee ay isticmaalaan Maalinta Ciida.

Mashquulka ugu baddan ayaa laga dareemayaa goobaha lagu iibo Dharka,Kabaha,Udug iyo Qalabka Caruurtu ku dheelaan,waxaana dhamaan buux dhaafiyay boqolaal Dad ah oo Jeebabkooda Lacag ku huba.

Dadka oo ay ka muuqato Farxad ayaa isugu Hambalyaynaya Ramadaan Kariim iyo Ciid,iyagoona isku balansanayay goobaha la iclaamiyay in Ciida lagu Ciidayo laguna dhamaashaadayo.
Feysal Caseyr Maxamed
WaryaTv Nairobi-Kenya
caseer3@hotmail.com
Sawiro Abdiwahab Mohamed Abdi









