U Diyaar Garowga Ciida Oo Laga Dareemayo Somalida K/Africa

2010-09-08

 Qoysaska Soomaliyeed oo maal mahani la soo dhaafay kusoo badanayay dalka K/Africa ayaa waxaa laga dareemayaa Diyaar Garow xoogan oo ay ugu jiraan munaasabada Ciidxul Fidriga.

Iyado maalmo yar naga xigta xiliga loo dabaal degayo munaasabada ciida ayaa waxaa dhaq dhaqaaq xoogan laga dareemayaa dukaamada kuwasi oo lagu arkayo waalidiin, caruur iyo dadweyne iibsanaya dhar nuucyadiisa kala duwan haba ugu badnaadeen raga oo aad u iibsada Qamiisyada.

Caadiyan maalinta ciida oo ah maalin caruurta laga farxiyo ayaa loo iibinayaa dhar cusub iyo waxyaabaha ay ku dheel dheelaan caruurta.

Magaalooyinka ay soomalida u  badan tahay Sida Cape Town, Johannsburg, Durban iyo Port Elizabeth ayaa la isugu soo bixi doonaa fagaarayaashii caadiga ahaa, halkaasi oo salaada ciida lagu oogi doono.

Goobaha laga dukaameysto ayaa lagu arkayaa In kabadan somalidii Dalkani Horay u joogi jiray taasi oo ka fahmi kartid in dalkani ay somalida kusoo badanayso sanadba sanadka ka sii danbeeya.


Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
Deeqdarajo100@hotmail.com
Cape Town, South Africa

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com