Dawlada Itoobiya Oo Marti Qaad U Fidisay Madaxweynaha Somaliland

Source: Reported by Qaasim
2010-09-08

 

Addis Ababa (Waryatv.com), Dawlada itoobiya ayaa markii ugu horsay shaaca ka qaaday inay casuumad gaara u fidisay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana sidaas lagu faafiyey wakaalada wararka ee Itoobiya.

 

Sidoo kale wakaalada ayaa intaas raacisay in martiqaadka madaxweynuhu ka danbeeyey kadib markii kulan qaatay mudo laba maalmood ay wada yeesheen wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya Dr Tekeda Alemu.

 

Waxaanay ka soo saareen socdaalka maxaweynaha war qoraal ah oo ay ku wada saxan yihiin labada wasiir, sidoo kale waxaa lagu sheegay warkaas qoraalka ah in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin is kaashiga dhanka nabad galyada, is-gaadhsinta iyo ganacsiga.

 

Waa markii ugu horaysay ee dawlada itoobiya shaaciso la shaqaynta xukumada cusub ee Somaliland tan iyo markii xiilka loo dhaariyey madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo).

 

 

Addis Ababa/Waryatv

Ibrahimqasim@waryatv.com

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com