Muuse Biixi Oo Ka Dayriyey Mudo Kordhinta Loo Sameeyey Seddexda Gole.
Hargeysa
(Waryatv.com), Gudomiyaha kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa wax laga xumaado ku
tilaamay go’aankii ay guurtidu ku gaadhay mudo kordhinta, waxaanu maanta ka soo
saaray war-saxaafadeed, nuqul ka mida oo soo gaadhay Waryatv ayaa u dhignaa sedan
War-saxaafadeed
“Waxa
maanta oo taariikhdu tahay 08.09.2010 shir ku yeeshay xarunta dhexe ee
Komishanka Doorashooyinka Qaranka saddexda xisbi qaran iyo xubnaha Komishanka
Doorashooyinka Qaranka, shirkaa oo daba socday shirar dhowr ah oo is daba socday
oo uu ugu horreeyey shir ay 29.08.2010 ku yeesheen guriga uu degan yahay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkaa
oo nuxurkiisu ahaa sidii looga tashan lahaa Doorashooyinka Golayaasha
Jamhuuriyadda Somaliland oo qaarkood xilligoodii doorasho ay muddo dhaaftay,
kuwa kalena ay hada gabagabo yihiin, shirkaa oo uu guddoominayey Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland waxa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda labada
shirguddoon, madaxda saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Qaranka ee
Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirkaas
oo lagu guddoonsaday in ay saddexda xisbi qaran iyo komishanka qaranku ay ka
soo talo-bixiyaan sidii hawlahaa doorashooyinka iyo kuwa kale oo la xidhiidha
arrimaha doorashooyinka wadajir wax looga qaban lahaa.
Haddaba,
shirkaas 08.09.2010 lagu qabtay xarunta komishanka doorashooyinka qaranka oo
lagu lafagurayey qodobo dhowr ah, taas oo qodob qodob looga dooday, iyadoo la
tirgelinayo duruufaha inagu gadaaman xag kasta oo ah talo-bixin.
In
saddexda xisbi qaran isku waafaqsan yihiin talo-bixintii komishanka
doorashooyinka Qaranka u soo jeediyeen Madaxweynaha ee qoraalkii tixraaciisu
ahaa KDQ/XK/150/2010.
1.
In Doorashada Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada lagu qaban karo ugu danbayn
December 2011.
2.
Waxa kale oo Komishanka doorashooyinka Qaranka iyo saddexda xisbi qaran isku
raaceen in doorashada golaha Degaanka iyo Wakiillada hal mar la wada qabto.”
Hargeysa/Waryatv
ibrahimqasim@waryatv.com









