680 Dhibane Oo Oo Ka Baxsaday Jeelku Yaala Dalka Nigeria

Source: Reported by Saleebaan Sahal Jaamac
2010-09-08

 

Nigeria (Waryatv.com), Inta la rumaysanyahay  680 dhibane isla markaasna ku jiray jeelku yaala wadanka Nayjeeriya (Nigeria) ayaa lagusoo waramayaa inay xabsiga ka baxsadeen wararka ayaa intaasi raacinaya inay baxsashadda maxaabiista ka  damabaysay ka dib markii Rag Hubaysan oo aan hayntooda la garanini ay weerar ku qaadeen jeelka .

Maxaabiista jeelka ka baxsatay ayaa la aaminsan yahay inay ku jiraan qaar ka  tirsan mucaaradka Boko Xaaraam sidaas waxaa laga soo xigtay sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo u Hadlayay Ciidanka amaanka ee dalkaasi Nigeriya .

Afhayeenka ciidanka booliska Emmanuel Ojukwu, waxaa kale uu sheegay in mid ka mid ah ciidanka amaanka ee dalkaasi uu dilay qaar ka tirsan  Maxaabiista waxaanna wararku sheegayaan  in 35 ka mid ah maxaabiista ay ciidanka illaaladda jeelka ay gacanta ku dhigeen .

Waxaa la rumaysan yahay inay weerarka ka dambeeyaan kooxda la dagaalanta dowladda oo iyagu doonaya in dalkaasi Nigeria lagu xukumo Diinta islaamka waxaanna haatan la rumaysan yahay inay 200 oo malatari Boko Xaraam weerarkaasi ka qayb qaateen lagu weeraray jeelka .

 

Saleban sahal jamac

Burco/Somaliland

salosahal@hotmail.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com