Gef weyn buu ahaa Go,aankii Golaha Guurtida Somaliland .
2010-09-08
(Qorshihii heshiis hoosaadkii ugu horeeyey ee wada galeen kooxda Qaran- Siilaanyo- Saleebaan(Gudoomiyaha G.Guurtida oo fashilmay)
Ugu horeyn waxaan halkan ka cambaareynayaa go,aankii Golaha Guurtida ee Somaliland ay soo sareen 07/09/10,kuna saabsanaa in mudada loo kordhiyo Golayaasha Guur6tida Deegaanka/Wakiilada iyo Guurtida.Waxaan qabaa in uu ahaa go,aan laga fiirsan,lagu deg deg ,waxaana cadaatay in ay jiraan qorshayaal qarsoodi ahi,kani waa kii ugu horeeyey ,waxaase jira qaar kale oo badan oo aynu arki doono,waxaan odhan karaa goaankani wuxuu ahaa RIWAAYAD si xun loo metelay,Waa go,aan loogu tala galay in Somaliland lagu burburinayo.
Waxaan soo dhoweynayaa go,aanka saddexda Xisbi iyo G.Doorashooyinku ay wada gaadheen maanta oo taarikhdu tahay 08.09.10. Runtii wuxuu u muuqdaa go,aanka wada jirka ahi mid taxadir iyo wada shaqayn ay ku dheehan tahay,sidoo kale wuxuu u muuqdaa go,aan lagu badbaadinayo dalka Somaliland.
Waxaan ugu baaqayaa MADAXWEYNAHA IYO XUKUUMADIISABA in ay sida ugu dhaqsaha badan ISU CASILAAN,maadaama ay sharcigii dalka ku tunteen iayagoo xilka hayey in yar boqol (100) maalmood.Waxaan qabaa in haddii ay xilka sii hayso xukuumada hadda jirta,in Somaliland ay ku doonto HAADAAN aan laga soo saari karin.
Waxaan sidoo gale ugu baaqayaa in uu xilka iska casilo Wasiirka AQAAFTA IYO DIINTA madaama ay jiraan duruufaha la yaabka leh soo ifbaxayaa.
Shacabka reer Somaliland waxaan kula talinayaa kana codsanayaa in ay sida ugu dhaqsaha badan uga jawaabaan go,aanada ay Golaha Guurtiddu iska gaadheen iayaga oo aan cidna kala tashan,waxaa haboon in ay la xisaabtamaan Xukuumadii ay dhowaan doorteen sida ay ugu tumanayso shuruucdii dalka .
Waxaan mar kale ka codsanayaa shacabka sharafta badan in ay sida ugu dhaqsaha badan u sameeyaan dibad baxyo nabadgelyo oo ay kaga soo horjeedaan go,aanada Guurtidu iska gaadhay.
MAHADSANIDIN
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com









