Ancelotti Oo Ku Baaqay In La Ixtiraamo Capello

2010-09-08

 
Macalinka kooxda Chelsea Carlo Ancelotti ayaa taageeraayasha xulka England ugu baaqay in ay ixtiraam dheeraad ah u muujiyaan macalinka xulka England Fabia Capello.

Macalin Carlo Ancelotti oo xog waraaysi gaar ah siinayay wargeyska The Daily Telegraph ayaa sheegay taageerayasha England ay mudan tahay in ay qadariyaan macalinka xulka England Fabio Capello.

Mar uu arinkaasi ka hadlayayna Carlo Ancelotti waxa uu yiri.

Waxaan ugu baaqayaa taageerayasha England in ay muujiyaan ixraam dheeri ah Capello ma Aha shaqsi xun oo qibrad yaraan ay hayso Capello ma aha macalin oo keliya waana Tabaraha xulka England oo dhan taasina cid dafirsan ma jirto qofkasta oo England ah waxa Waajib ka saaran yahay in u ixtiramo ayuu yiri macalin Chelsea Carlo Ancelotti.

isaga oo hadalkisa sii wata ayuu mar kale yiri,Capello waa macalin weyn oo aduunka oo Dhan magac ku leh waxa uu leeyahay hogaan wanaagsan taasi waxa cadyen buuxda u ah inta koox ee uu soo hogaamiyay uu magac u sameeyay.

Dib u tix raax hogaanki Capello kooxda Real madird Horyaal ayuu la soo qaday Koxda Ac Milan Juventuus iyo Roma oo dhaman dalka talyaaniga ka dhisan iyagana magac ayuu ku Leeyahay aad u weyn ayuu yiri macalin Carlo Ancelotti.

Tan iyo markii xulka England ay si fadeexad leh uga soo hareen tartankii koobka aduunka Ee sanadkan lagu qabtay dalka South Africa waxa taageerayaal badan oo xulka England ah ay dhaleeceen xoogelh u jeedinayaan macalin Capello o aysan u bogin habka uu uu Hogaminya xulka England ilaa taasi ay dhalisay in Macalin Capeelo oo ku dhawaday in uu ka Tago shaqada xulka England.

Balse markii danbe sababtay in Xirirka FAda ay dib uga codsadaan,hadalka Macalin Carlo Ancelotti ayaa kusoo aadayso xili ay taagerayasha xulka England ay canraareyn aan kala go lahayn usoo jeedinayaan macalin Capello.

Xassan Maxamed Aaden Kaysar
WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com