Taleefoonka Dhimashadda Oo Gaaray Puntland
Dadka horumaray ee adeegsadda Taleefoonadda gacanta lagu qaato ee ku nool Goboladda Maamulka Puntland ayaa aad uga welwelsan Nambarso qarsoon oo lagu wacayo kuwaasoo jugweyn gaarsiinkara Maskaxda qof una keeni kara Dhimasho deg deg ah.
Magaalooyina iyo Degmooyinka Puntland oo labaddii Todobaad ee ugu dambaysay ayaa aad looga fogaaday Taleefoonadda Gacanta lagu qaato (Hand Phone),iyadoona guud ahaan Puntland laga hadal hayay Taleefoonka Dhimashadda oo halkaas gaaray.
Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Maamulka Puntland C/qani Axmed Guuleed oo Saxaafadda la hadlayay ayaa Warkaas ku tilmaamay mid lagu argagax gelinayo Bulshadda.
Dhinaca kale Mas'uuliyiinta Shirkadaha Isgaarsiinta Puntland ayaa dhinacooda tilmaamay innay Wararkaani yihiin kuwo been abuur ah oo lagu waxyeelaynayo Magacyadda Shirakadaha ka how gala Degaanadaas.
Sikastaba ha ahaatee Dhacdooyinkaan Mobile-ladda ayaa soo biloowday bilo ka hor,iyagoona khal khalgeliyay Dalal ku yaal Qaaradaha Eeshiya iyo Africa oo ay ugu dambaysay Kenya.
WaryaTv Bosaso-Somalia









