Eng C/qaadir Aadene Cabdi Jirraabay Oo Loo Doortay Madaxweynaha Hiiraan Iyo Midland + Sawiro
2010-10-10
Odayaal, salaaddiin iyo cuqaal kala gaddisan oo ku abtirsada beelaha dega gobalka Hiiraan, ayaa maanta magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya ku doortay madaxweynaha maamul goboleedka Hiiraan and Midland Eng C/qaaddir Aaden Cabdi Jirraabey

Eng Jirraabey waxa horaantii June sidoo kale lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha maamulkaasi ka dib markii odayaal sidoo kale gobalka Hiiraan ka soo jeeda ay u doorteen in uu madaxweyne noqdo.

Odayaal, salaaddiin cuqaal iyo wax garad kala matalaayay in ka badan afar iyo toban beelood oo Hiiraan dega ayaa madaxweynaha maamulka Hiiraan and Midland siiyay codkooda, kadib xaflad ka dhacday hotelka Royal ee magaalada Nayroobi.

Kullanka ayaa waxa sidoo kale ka qeyb galay siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda gobalka Hiiraan oo dowladda kmg ah ee Soomaaliya ku jira, waxana ka mid ah xidlhibaan C/qaadir Max’ed Dhicisow.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Hiiraan and Eng C/qaaddir Jirraabey oo ka hadlay madashii ay odayaasha ku doorteen, ayaa waxa uu sheegay in uu sameyn doono wax kaste oo karaankiisa uu nabad iyo maamul wanaag ugu soo dabaali doono gobalka Hiiraan.

"Waxan ka codsanayaa dhamaan beelaha gobalka dega xilka ay ii magacaabeen inay igula garab galaan, anigoo rajeynaayo inaan wax badan ka qabto arrimaha baahiyaha hadda gobalka ka jira" sidaa waxa yiri madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha, ayaa rajo ka muujiyay in uu dib ugu noqdo gobalka loo magacaabay uuna sida ugu dhaqsiyaha badan ugu howl galo gobalkaasi.

Sidoo kale odayashii ka hadlay kullankaasi waxa ka mid ahaa Suldaan Xasan Sheekh Isxaaq, Xaaji Axmed Daahir,Xaaji Axmed Garre, Xaaji Gaarane,Dr Axmed Xasan Gabax,C/llaahi Cusmaan Maxamed,Cali Xasan,Cabdi sheekh Bahaloow, iyo kuwa kale oo badan kuwaas oo matalaayay beelaha gobalka Hiiraan dega.

Jirraabey ayaa la filayaa in dhawaan sidoo kale loo caleemo saaro madaxtinimada loo doortay maanta dabadeedna uu ku dhawaaqo maamulka xukuumad goboleedkiisa.




