Connect with us

Somali Reading

Waa ayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay dooneyso Israel inay disho?

Published

on

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant ayaa shalay wacad ku maray in ciidamadiisu ay baabi’in doonaan hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar, iyo kuwa kale ee kooxda.

Mar uu shalay khudbad u jeednayay ciidamada dalkaas ee IDF, ayaa wuxuu sheegay in Xamaas laga cirribtiri doono Marinka Qasa.

“Dhammaadka dagaalka Xamaas ma joogi doonto Qasa, wax qalqal ammaan Israa’iil ugama imaan doono Qasa, Israa’iilna xorriyad buuxda ayay u heli doontaa inay howlgallo ammaan ku fuliso cid walba [oo khatar na gelisa],” ayuu yiri wasiirku.

Hadalladiisa ayaa kusoo aadaya xilli Israa’iil ay sii xoojisay howlgalladeeda Qasa, iyadoo beegsatay goobo ay deggan yihiin Xamaas.

Xamaas ayaa ku qaaday Israel mid ka mid ah weeraradii ugu waxyeelada weynaa abid ee loo geysto Israel. Weerarkaas oo galay maalinkii afaraad waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 1500 oo Israel u dhashay, iyada oo duqeymaha Israel ee Qasa na lagu dilay dad ka badan 700 boqol oo Falastiiniyiin ah.

Weerarrada ay qaadeen ciidamada gaarka ah ee Xamaas ee loo yaqaan Qassaam waxay u muuqdeen kuwa qorshaysan oo dhowr weji leh. Tobaneeyo nin oo hubaysan ayaa u muuqda inay gudaha u galeen Israa’iil iyaga oo ka galay dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay.

Israel waxay duqeyn aan la joogsi lahayn ku wataa marinka Qasa, iyada sidoo kale biyaha, korontada iyo cuntada, iyo wax walba oo keli oo magaaladan dibeda uga baahan tahay ka xayirtay. Madaxda Israel waxay sheegeen inay ka aargudan doonaan weerarka ay Xamaas ku qaaday iyaga oo bartilmaameydsan doono hoggeemiyeyaasha kooxdaas.

Waa ayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay dooneyso Israel inay disho?

Yaxya Sinwar, Hoggaamiyha Xamaas ee Qasa

AFP
Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyaha Xamaas (midig), iyo Yaxya Sinwar, Hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa

Waa ninka koowaad ee sida weyn ay u baadigoobeyso Israel. Yaxya Sinwar waa hoggaamiyaha kooxda Xamaas ee gudaha Qasa, oo ah magaalo xeebeed dhan walba ka go’doonsan oo ay ku nool yihiin dad ka badan labo milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah. Waxay Israel ku tilmaamtay in uu yahay hoggaanka weerarka lagu qaaday ee waxyeelada weyn u geystay. Afhayeen u hadlay militiriga Israel Daniel Hagari ayaa ku sheegay in uu agtooda ka yahay ‘nin dhintay’, isaga oo intaas ku daray inay bartilmaameydsan doonaan hoggaanka ciidanka iyo siyaasadda ee Xamaas iyo hantidooda ba.

Yaxya oo ah ninka ugu sarreeya hoggaanka Xamaas ee Qasa waxaa loo arkaa in uu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee kooxda, iyo ninka labaad ee ugu awoodda badan Xamaas kadib Ismaaciil Haniyah, oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda, laakiin dibadjooga ah. Waxa uu ku dhashay xerada Koonfurta marinka Qasa ee qaxootiga Falastiin ee Khan Yunis sanadkii 1962di, isaga oo daraasaadka Carabiga kaga takhasusay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa. Saddex jeer ayaa la xiray – 1982, 1985 iyo 1988dii. Markii ugu horreysay waxaa la xiray isaga oo jaamacadda dhigta, halkaas oo uu ahaa hoggaamiyaha ardayda.

Waxa uu madax ka noqday qarabka amniga ee Xamaas bartamihii 1980kii, isaga oo masuul ka ahaa dabogalka iyo ciqaabista Falastiiniyiinta ku eedeysan inay la shaqeeyaan Israel. Laakiin waxay Israel xirtay 1988dii isaga oo xabsi ku jiray ilaa 2011, markaas oo uu qeyb ka noqday heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo lagu siidaayay 1000 qof oo Falastiiniyiin ah, iyo Askari Israel oo shan sano u xirnaa Xamaas. Weli waxa uu ku nool yahay xeradii qaxooti ee u uku dhashay ee Khan Yunis. Diyaarada dagaalka ee Israel ayaa duqeeyay gurigiisa intii uu socday weerarka Xamaas, laakiin lama sheegin wax soo gaaray Yaxya Sinwar.

Maxamed Deif, hoggaamiyaha ciidamada gaarka ah ee Xamaas, Qassam

AFP
Maxamed Daif

Waa ninka halka labaad uga jira liiska hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay Israel dooneyso inay qaariso. Maxamed Deif waxa uu weerarka ay ciidamadiisu qaadeen ku tilmaamay in uu jawaab u yahay lix iyo tobanka sano ee ay Qasa ku jirto go’doominta, iyo tacadiyada kale ee ay Israel u geysato Falastiiniyiinta. Waxay Falastiiniyiin badan u arkaan libaax iyaga oo ku amaana kaalinta uu ku leeyahay iska-caabinta Israel, laakiin waxa uu marar badan ka badbaaday iskudayo shirqool di loo ay Israel fulineysay.

Waxaa la rumeysan yahay in uu yahay maskaxda ka dambeysa weerarka Xamaas ay sabtidii ku qaaday Israel, oo ay ciidamadiisu gudaha ugu galeen Israel. Tobanaan sano ayuu dagaal kula jiraa Israel, isaga oo ku dhex koray Xamaas oo uu hadda u yahay hoggaamiyaha militariga kooxda.

Waxaa uu labaatan sano kahor ka badbaaday duqeyn circa ah oo ay fuliyeen Israel. Laakiin waxa uu ku waayay gacan iyo lug. Waxa uu sidoo kale ku waayay mid ka mid ah labadiisa il weerar kale. Duqeymaha Israel ayaa 2014kii dilay xaaskiisa iyo ilmo yar oo uu dhalay. Waa maskaxda ka dambeysa farsamada gantaalada Xamaas ee loo yaqaan Qassam, kuwaas oo kumanaan ka mid ah lagu duqeeyay Israel maalmaha uu socda dagaalka, iyo marinada qarsoodiga ah laga jeexay dhulka hoose ee Qasa.

Macnaha neynaastiisa Deif waa ‘marti’, taas oo ay ugu baxday dhaqanka ah in habeen ba uu meel ku baryo isaga oo ay martigelinayaan taageerayaashiisa, si uu uga badbaado baadigoobka iyo duqeymaha Israel.

Abuu Cubeyda, Afhayeenka militariga Xamaas

Facebook

Waa ninka ku dhawaaqay inay dili doonaan maxaabiista Israel islamarkaas na baahin doono muuqaalo iyo cododka muujiya haddii ay Israel duqeyso deegaanada iyo dhismeyaasha dadka rayidka ah ee Qasa diginin la’aan.

Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ay Israel ugu necebtahay oo ay sida weyn u baadigoobeyso. Waxa uu horey u shaaciyay inay Xamaas qabatay tiro maxaabiis Israel u dhashay, kuwaas oo uu sheegay in lagu hayo goobo ammaan ah oo Qasa ku yaal.

Tan waxay albaabka u furi kartaa xaalad kale oo adag iyo wada hadalo dabo-dheeraan kara oo laga yaabo inay horseedaan maxaabiis isweydaarsi dhexmarta Xamaas iyo Israel.

Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyaha Xamaas

AFP
Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyah waxa uu degan yahay Qatar

Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyah waxa uu ku nool yahay dibeda Qasa, si gaar ah Qatar. Ma ahan meel ay si fudud u bartilmaameydsan karto Israel.

Muuqaal uu baahiyay xafiiskiisa waxa uu muujinayay isaga oo ku sugan Dooxa, oo u debaaldegaya weerarka ay kooxdiisu ku qaaday Israel.

Waxa uu ugu yeeray weerarka ‘Howlgalka daadka ee Qasa’ isaga oo wacad ku maray inay sii xoojinayaan dagaalka ay doonayaan inay ku ‘xoreeyaan dhulkooda iyo dadkooda ku jira xabsiyada Israel’ sida uu sheegay.

Waxa uu intaa ku daray kooxaha kale ee hubeysan ee Falastiin ay dagaalka ku fidin doonaan Daanta Galbeed iyo Qudus.

Waxa uu horey uga badbaaday iskuday shirqool dil oo ay fulisay Israel, isaga oo ka qaxay Qasa 2016kii isaga oo u guuray Qatar.

EDITORIAL

Hanjabaadaha Nukliyeerka ee Putin iyo Khatarta Ku Xeeran

Published

on

By

Iyadoo ay sii xumaaneyso xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo reer galbeedka, ayaa waxaa qeylo dhaan ka soo yeertay caalamka oo dhan, hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ee ku saabsanaa in diyaaradaha F-16 ay qaadi karaan hubka Nukliyeerka ah. Waqtiga ay dadaallada diblumaasiyadeed ay muhiim u yihiin ilaalinta xasilloonida, hadalada Putin ayaa kaliya u adeegaya inay sii xumeeyaan xaalad markii horeba kacsanayd.

Caddaynta Putin ee ah in joogitaanka F-16-yada nukliyeerka ku hubaysan aanay waxba ka beddeli doonin ma aha oo kaliya hanjabaad laakiin waa khatar aan si hawl yar loo marin habaabin karin.

Hadaladan oo kale ayaa kor u qaadaya halista ay xaaladdu leedahay waxayna wiiqaysaa dadaallada lagu horumarinayo wada-hadallada iyo daminta colaadda. Halkii laga dejin lahaa xiisadda, hadalka Putin wuxuu gacan ka geysanayaa jawi aan la hubin iyo cabsi.

Rajada laga qabo hubka nukliyeerka ee ku jira gacanta diyaaradaha dagaalka ayaa sare u qaadaya khatarta xisaabinta khaldan iyo kororka aan loo baahnayn.

Xaalad xiisadeed, joogitaanka diyaaradaha hubka nukliyeerka ahi waxay horseedi karaan go’aanno degdeg ah waxayna kordhin karaan suurtogalnimada isku dhac masiibo ah.

Waxaa lama huraan ah in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay is xakameeyaan oo ay ka hormariyaan dublamaasiyadda.

Intaa waxaa dheer, faallooyinka Putin waxay hoosta ka xariiqayaan baahida degdegga ah ee loo qabo dadaallada dib-u-cusbooneysiinta ee lagu xoojinayo tallaabooyinka xakameynta hubka loogana hortagayo fidinta hubka nukliyeerka.

Balaadhinta awoodaha nukliyeerka ee aan la hubin waxay caawinaysaa oo kaliya inay sii khalkhal galiyaan muuqaalka amniga adduunka iyo kordhinta khatarta masiibada nukliyeerka.

Xilli dunidu ay wajaheyso caqabado badan, oo ay ku jiraan masiibada isbeddelka cimilada, waxa ugu dambeeya ee aan u baahanahay waa ku soo noqoshada burburkii xilligii dagaalkii qaboobaa. Halkii ay u adeegsan lahaayeen hanjabaad iyo caga-jugleyn, waa in madaxdu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen khataraha la wadaago iyo in la dhiso adduun ammaan ah oo nabad ah oo ay helaan jiilalka mustaqbalka.

Hadalada daandaansiga ah ee Putin waxa ay si weyn u xasuusinayaan khatarta ka iman karta hubka Nukliyeerka iyo baahida degdegga ah ee loo qabo tallaabo caalami ah oo wadajir ah si looga hortago isticmaalkooda.

Waxaa ku waajib ah madaxda caalamka in ay mudnaanta siiyaan dublamaasiyadda oo ay sii wadaan wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaadka si nabdoon.

Continue Reading

Somali Reading

Maxa ka jira in Turkigu hub ka iibiyay Israa’iil wakhtigan dagaalka Gaza?

Published

on

By

Saraakiisha Turkiga ayaa beeniyay warar la daabacay oo ku saabsan in dalkaasi uu hub ka iibiyay Israa’iil inta uu socdo dagaalka Gaza.

Arrintan ayaa timid kadib markii war rasmi ah oo wax dhoofinta ku saabsan oo lagu soo bandhigay baraha bulshada uu dood dhaliyay.

Machadka Tirakoobka Turkiga ee TUIK ayaa liiska hubka ay dibadda u dhoofiyeen bishii January soo bandhigay, waxaana ka mid ahayd walxaha “qarxa, hub iyo rasaas loo dhoofiyay Israa’iil,” taasoo cambaareyn weyn ay ka dhalatay.

TUIK ayaa beenisay wararkii horudhaca ahaa, iyadoo sheegtay in Turkigu uu dhoofiyay qeybo yar oo hubka ka mid ah ee aysan ahayn rasaas iyo agabka dagaalka.

Continue Reading

Somali Reading

Isbarbardhigga awoodda militeri ee Israa’iil iyo Iiraan

Published

on

By

Iran ayaa uga digtay Israa’iil xiisad ka dhalan karta gobolka haddii militariga Israa’iil ay galaan Qasa duullaan dhanka dhulka ah, iyada oo dagaalka Xamaas uu galay todobaadkii labaad.

Arrintan ayaa muuqata walaac hore leh oo keeni karta isku dhac toos ah oo dhex mara labada dal waa Israa’iil iyo Iiraan e.

Qoraalkan, waxaynu ku eegaynaa awoodda milleteri ee labada dal:

Awoodda ciidan iyo hub ee Israa’iil

.

Israa’iil waxay leedahay mid ka mid ah miletariga ugu awoodda badan adduunka, oo ay ku xoojiso in ka badan $3.8bn oo gargaar milatari ah sannadkii oo ay ka helaan Mareykanka.

Israa’iil waxay leedahay cudud ciidan oo baaxad leh oo ka kooban 169,500 oo ciidan milatari oo ka kala hawlgala, badda iyo ciidamada qalabka sida, sida uu qabo machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadeed ‘(IISS) uu soo saaray 2023

Muwaadiniinta da’doodu ka weyn tahay 18 jir ee dalkaas ayaa looga baahan yahay in ay u adeegaan ciidamada; Marka ay ku biiraan, ragga ayaa la filayaa inay shaqeeyaan 32 bilood iyo haweenka oo iyana shaqeeya 24 bilood.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Cilmi-baadhista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), oo ah hay’ad cilmi-baadhis ku sameysa colaadda iyo hubka, Israa’iil waxay ku bixisay 23.4 bilyan oo doolar ciidamadeeda sannadkii 2022.

Haddaba aynu qayb qay iyo tiradeeda u dul istaagno:

Ciidammada

  • 169,500 ciidan shaqaynaya
  • 465,000 ciidammo kayd ah

Awooddooda dhanka dhulka

  • 2,200+ taangi
  • 530 madaafiic ah oo kala ah noocyada (SP, Towed, MRL, MOR)

Awooddooda cirka

339 diyaaradood oo awood dagaal oo ay ku jiraan 309 dayuuradaha dagaalka

  • 196 F-16 diyaaradood
  • 83 F-15 diyaaradood
  • 30 F-35 diyaaradood
  • 142 helikobtar

Awoodda badda

  • 5 maraakiibta quusta
  • 49 roondo ah iyo kuwa dagaalka xeebaha ah

Hannaanka difaaca ee Iron Dome

.
Waa ciidanka gaarka ee Israel oo wareegaya aagagii dagaalka

Iron Dome waa qalab loo nashqadeeyay si uu uga hortago gantaallada ridada dhow ee khatarta ku ah Israa’iil

Hannaanka Iron Dome oo ay wadajir u dhiseen shirkadaha Rafael Advanced Defense Systems iyo Israel Aerospace Industries ayaa la hawlgeliyay sanadkii 2011.

Qalabkan oo la rumaysan yahay inuu kamid yahay kuwa ugu horumarsan caalamka ayaa isticmaala raadaar si uu u aqoonsado isla markaana u burburiyo gantaallada ku socda Israa’iil ka hor inta aanay khasaare geysan.

Hannaankan oo ku shaqeeya jawi kasta ayaa si gaar ah loogu qaabeeyay in uu ka hortago hubka ridada gaaban, gaar ahaan gantaallada laga soo gano Gaza.

Kharash badan ayaa ku baxay sameynta Iron Dome, balse shirkadaha dhisay ayaa sheegay in faa’iidadiisa ugu weyn ay tahay in uu kala sooci karo gantaallada ku dhici kara deegaannada ay dadka ku badan yihiin iyo kuwa kale.

Hannaanka ayaa beegsada oo keliya gantaallada loo arko inay khatarta yihiin.

Toban sano kadib markii la hawlgeliyay Iron Dome, Israa’iil ayaa hadda haysata toban xabo oo hannaankaas difaaca gantaallada ah, kuwaas oo la dhigay qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Mid kasta oo ka mid ah waxaa ku xiran saddex ama afar gane oo midkiiba uu ridi karo 20 gantaal oo ka hortag sameeya.

Israa’iil ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay haysato awoodaha Nukliyeerka, sida uu sheegay machadka IISS, oo sheegay in dalkaasi uu haysto gantaallada Jericho iyo diyaarado qaadi kara madaxyada Nukliyeerka.

Intee ayay ku qarash garaysaa Isra’iil milleterigeeda?

Sannadkii 2022, Israa’iil waxay ku bixisay $23.4bn ciidankeeda, sida uu qabo Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), machad cilmi-baaris oo diiradda saaraya colaadaha iyo hubka.

Tani waxay gaareysaa $2,535 qofkiiba inta lagu jiro xilliga 2018-2022, taasoo ka dhigaysa adduunka dalka labaad ee ugu badan ee ku qarash-gareeya lacagta miisaanayadeeda marka loo eego qofka inta kaga hagaagaysa, dalka Qatar keliay ayaana ka horreeya.

2022, Israa’iil waxay 4.5 boqolkiiba wax soo saarka gudaha (GDP) u hibaysay milatariga, taas oo iyana ka dhigan in ay tahay dalka 10aad ee ugu sarreeya adduunka ee GDP-gooda geliya ciidankooda.

Awoodda ciidan iyo hub ee Iran

.
Awooda gantaalaha ee Iran ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah awooddeeda ciidan

Tirada militariga Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 523,000 oo leh cutubyo kala duwan ee ciidammada, sida uu sheegay machadka barashada istaraatijiyada ee fadhigiisu yahay UK.

Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC).

Waxaa sidoo kale jira 20,000 oo kale oo ah ciidamada badda isla markaana qeyb ka ah kuwa ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan.

Waxay ciidamadan ku howlgalaan tiro ah doomaha ilaalada xeebaha iyaga oo si gaar ah uga howlgala marin biyoodka Hormuz, oo horey dhowr iska hor imaad oo lagu afduubtay Maraakiib uu uga dhacay 2019.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay sidoo kale maamulaan guutada lagu magacaabo Basij, oo ah xoogag si tabarucaad ah u howlagala islamarkana gacan ka geysta cadaadiska lagu sameeyo dadka dowladda ka soo horjeeda ee gudaha Iran.

Ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran.

Waa sidee howlgalladooda dibedda?

Cutubka lagu magacaabo Xoogagga Qudus, ee uu hoggaamin jiray Janaraal Soleimani, ayaa waxay goobo ka baxsan Iran ka fuliyeen howlgallo, iyaga oo wakiil ka ah ilaalada kacaanka islamarkana waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga, Ayatollah Cali Khamenei.

Waxaa la rumaysan yahay in xoogagga lagu magacaabo Qudus ay tiradooda dhan tahay qiyaastii 5,000.

Cutubkan ayaa waxaa loo daadgureeyay xilli kala duwan Suuriya waxaana qeyb ka ahaa la taliyayaal militari oo daacad u ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Dalka Ciraaq, waxa ay taageereen maleeshiyaadka Shiicada oo iyagu ka adkaaday kooxdii la baxday dowladda Islaamka.

Balse, Mareykanka ayaa sheegay in xoogaggan Qudus ay door ballaadhan ciyaaraan iyaga oo taageero dhaqaale, mid tababar iyo qalab siiya ururo ay Washington u aqoonsan tahay argagixiso kuwaasi oo ka howlgala bariga dhexe.

Waxaa ururadan ka mid ah ururka Shiicada ee Xisbullah iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad.

Dhibaato dhaqaale iyo cunaqabateyno ayaa curyaamiyay hubka ay Iran dibadda ka soo dhoofsan jirtay, hubkaasi oo ah mid si aad ah u yar marka loo barbar dhigo dalalka kale ee gobolka.

Qiimaha qalabka difaaca ee Iran ay dibadda ka keensatay intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2018-kii ayaa ah mid u dhiganta 3.5% marka loo barbar dhigo Sacuudiga isla sanadahaasi intii ay soo iibsadeen , sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee cilmi-baarida nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm.

Inta badan waxay qalabka gaashaandhiga ay Iran ka soo iibsatay Ruushka iyo Shiinaha.

Iiraan ma leedahay Gantaalo?

.
IRGC waxay u kala baxaan ciidanka badda iyo cirka, waxayna ilaaliyaan hubka istiraatiijiga ah ee Iran

Awoodda gantaalada Iran waa mid ka mid ah quwadeeda militari ee ugu muhimsan, iyada oo ay jirto in awoodda dhanka cirka ay ka liidato marka loo barbar dhigo dalalka ay is hayaan sida Israa’iil iyo Sacuudia.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa ku tilmaamtay in awoodda Gantaallada Iiraan ay yihiin kuwa ugu balaadhan bariga dhexe.

Gantaallada ayaa ka kooban kuwa riddada gaaban iyo Gantaalada riddada dhex.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Iran ay tijaabinayso Tiknoolajiyadda hawada sare si ay awood ugu yeelato hormarinta gantaalada qaaradaha isaga gudba oo iyagu meel fog gaari kara.

Hasa yeeshee, barnaamijka gantaallada riddada dheer ayay Iran hakisay taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Niyukleerka ee ay Iran 2015 la galeen dalalka quwadaha waawayn, sida laga soo xigtay machadka Royal United Services Institute (Rusi).

Balse, Iiraan ayaa mar kale dib u bilaabi kartaa barnaamijkaasi iyada oo la eegayo hubinti la’aanta heshiiskaasi.

Hasa yeeshee, Gantaalada Iraan ayaa gaadhi kara Sacuudiga iyo gacanka Carbeed, waxaana sidoo kale suuragal ah in ay Israa’iil bartilmaameedsan karaan.

Hubka kale ee ay Iiran haysato

Iyada oo ay jirto sanooyiin badan oo cunaqabatayn ah, ayaa hadana Iiran waxay sameysatay awood dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dalka Ciraaq, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiran ayaa 2016 waxaa loo isticmaalay dagaalkii ka dhanka ahaa IS.

Iran ayaa sidoo kale waxay diyaaradaheeda aan duuliyaha wadin mar galeen hawada Israa’iil iyaga oo ka soo kicitimay saldhig Suuriya ku yaalla.

Bishii June 2019, Iiran ayaa soo ridday diyaarad ah nooca aan duuliyaha laheyn oo Mareykanku leeyihiin, waxay Iran ku andacootay in ay diyaaradaasi soo gashay hawada Iran.

Sanadkii 2019, weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu qaaday xarunta shirkadda shidaalka ee Aramco.

Mareykanka iyo Sucuudiga labaduba waxay weerarkaas ku eedeeyeen Iran, inkasta oo ay Tehran beenisay inay ku lug leedahay.

Waxaa weerarkaasi masuuliyadiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Iraan hadda ma laha barnaamij hubka Nukliyeerka ah, waxayna horay u sheegtay inaysan doonayn. Laakiin waxa ay leedahay wax badan oo ka mid ah walxaha loo baahan yahay iyo aqoonta lagu abuurayo awoodda nukliyeerka.

Continue Reading

Somali Reading

Waa kuma taliyaha sare ee Iiraan looga dilay gudaha Suuriya?

Published

on

By

Madaxweynaha Iiraan Ibraahim Raisi aya ku hanjabay dalkiisu inuu ka aargoosan doono dilka taliye sare oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan kaas oo ka dhacay dalka Suuriya, isla markaana lagu eedeeyay in ay ka danbeeysay Israa’iil.

War qoraal ah oo laga soo saaray dilka Razi Mousavi oo ka mid ahaa taliyayaasha ugu sarreeya ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayuu Madaxweyne Ibraahim Raisi carabka ku adkeeyay in “Israa’iil ay ka shaleyn doonto danbiga dilka mas’uulka sare”.

Xussen Amir Abdollahian, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sidoo kale ugu hanjabay Israa’iil in ay tallaabo ka qaadi doonaan kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter.

Sidoo kale bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in Sarreeye Guuto Razi Mousavi, oo ahaa taliyaha ugu sarreeya ciidanka Iiraan ee Suuriya ku sugan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mousavi uu ahaa lataliye sare oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo in uu si gaar ah “mas’uul uga ahaa taageeridda jabhadda iska caabbinta” ee Suuriya.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa ku tilmaamay Israa’iil in qaadi doonto mas’uuliyad weerarkana ayna qaadi doonaan cawaaqibka ka dhasha arrintaan.

Razi Mousavi iyo Qassem Soleimani
Razi Mousavi iyo Qassem Soleimani

Telefishinka qaranka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in Mousavi lagu bartilmaameedsaday “saddex gantaal” oo ku dhacay deegaanka Saynabiyaha ee magaalada Dimishiq, waxaana uu baahiyay muuqaalo muujinaya qiiq aad u xoogan oo ka baxaya goobta uu gantaalku ku dhacay.

Xuseen Akbari, safiirka Iran ee Suuriya, ayaa sheegay in Mousavi uu ku sugnaa xafiiskiisa oo ku yaalla dhismaha safaaradda Iiraan ilaa 2:00 duhurnimo, ka dibna uu aaday gurigiisa.

Sida laga soo xigtay safiirka Iiraan, guriga Mousavi ayaa la beegsaday 3:00 PM, waxaana meydkiisa lagu tuuray daaradda guriga.

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in weerarkaan lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo gacansaar la leh Iiraan iyo Xisbullaah.

Israa’iil kama aysan hadlin arrintan, laakiin Nasir Kanani, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, isagoo cambaareeyay Israa’iil, wuxuu ku nuuxnuuxsaday xaqa ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah u leedahay inay “qaadato tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay uga jawaabto tallaabadan waqtiga iyo goobta saxda ah”.

Arday ka tirsan Jaamacadda Teran oo ku taal meel ka soo horjeedda xarunta Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa dhigay isku soo bax ay ku dalbanayaan in loo aaro sarkaalkan.

Waa kuma Razi Mousavi?
Razi Mousavi
Razi Mousavi

Wuxuu mas’uul ka ahaa isku-dubbaridka isbahaysiga milatari ee u dhexeeya Suuriya iyo Iiraan, waa uu ahaa hoggaamiyaha qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda gobolka ee Iran xulafada iyo wakiillada bariga dhaxe.

Mousavi waxaa uu ahaa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu da’da weyn ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, wuxuuna ka shaqeynayay dalalka Suuriya iyo Lubnaan ilaa 80-meeyadii.

Waxaa la sheegay in Razi Mousavi uu taariikh dheer ku lahaa dalka Suuriya, wuxuuna xiriir dhow la lahaa Qassem Suleeymaan , taliyihii hore ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabcday wakaaladda wararka Iiraan, waxaa uu ka mid ahaa saraakiil la socotay Qassem Suleeymaan, kaasoo lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ka fuliyeen Ciraaq 2020.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mid ka mid ah ciidamada Iiraan ee fadhigoodu yahay Suuriya la dilo.

Dhowr jeer oo hore, tiro ka mid ah ciidamada la taliyayaasha Iiraan ayaa lagu dilay Suuriya, kuwaas oo qaarkood ay ahaayeen taliyayaal sare.

Continue Reading

Somali Reading

Wax ka ogow awoodda ciidanka illaalada kacaanka Iran

Published

on

By

Illaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradii gantaallada ahaa ee lala beegsaday bartilmaameedyo u dhow magaalada Erbil ee waqooyiga Ciraaq habeenkii Isniinta.

weerarka ayaa sababay dhimashada afar qof oo raydi ah iyo dhaawac lix kale sida ay sheegeen maamulka gobolka Kurdistan

Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarradan, waxaana bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka lagu yiri, “Waxaan ka soo horjeednaa gantaallada aan ka fiirsiga lahayn ee Iran ay fulisay, kuwaasoo wiiqaya xasilloonida Ciraaq.

Duqeymahan ayaan lala beegsan xarumaha Mareykanka, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada Mareykanka, sida ay laba sarkaal oo Mareykan ah u xaqiijiyeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weerarkooda lala beegsaday “xarumo basaasnimo iyo isku imaatin ay leeyihiin kooxaha argagixisada ah ee ka soo horjeeda Iran” oo ku yaal magaalada Erbil ee Ciraaq, taas oo ay beeniyeen mas’uuliyiinta gobolka, oo sheegay in duqeynta lala beegsaday guriga ganacsade Kurdish ah. ee Erbil.

Si looga jawaabo su,aasha ah maxay yihiin ciidamada ilaalada kacaanka ayaa u baahanaysaa in dib loo eego asaaskii ciidankan iyo u jeedada loo sameeyey.

Ciidankan ayaa la asaasay sanadkii 1979-kii si loo ilaaliyo nidaamka cusub ee soo baxaya iyo in la abuuro nooc ka mida dheelitirka awoodda ciidamada qalabka sida ee Iran.

Awooda ciidamada Ilaalada Kacaanka

Ka dib dhicidii awoodii boqortooyadii Shah ee ka talin jaray Iran, mas’uuliyiinta cusubi waxay ogaadeen inay u baahan yihiin ciidan weyn oo u heellan hadafyada nidaamka cusub iyo inay difaacaan qiyamka iyo mabaadi’da kacaanka.

hogaamiyashu waxay diyaariyeen xeer cusub oo ay ku jiraan ciidamada caadiga ah ee milateriga, kuwaas oo loo igmaday ilaalinta xuduudaha dalka iyo ilaalinta amniga gudaha, iyo ciidamada ilaalada kacaanka (Pasdaran) oo loo xilsaaray ilaalinta nidaamka talada haya.

Dhinaca dhulka, doorka labada ciidan ee aan kor ku soo xusnay ayaa had iyo jeer is dulsaaran. Tusaale ahaan, Ilaalada Kacaanku waxay sidoo kale fulisaa hawlaha kaalmaynta ilaalinta amniga guud, waxayna si joogto ah u xoojiyaan ciidamadooda, kuwa badda iyo cirka.

Muddo ka dib, Ilaalada Kacaanku waxay isu beddeleen cudud ciidan, oo ku sidkan hab siyaasi ah iyo mid dhaqaale gudaha Iran

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Jacfari, ayaa kaalin weyn ka qaata fulinta hawlihii uu u igmado Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka.

Waxaana markii danbe la isku biiriyey ciidamada ‘Baasij’ oo ah ciidamada gaara iyo kuw ilaalada kacaanka kuwaas oo wax laga beddelay istiraatijiyadda cusub ee ciidamada kacaanka oo hoos tagaya awaamiirta hogaamiyaha sare.

Hawsha ugu weyn ee ciidamada Kacaanka hadda waa in marka hore laga hortago khataraha cadawga gudaha, iyo in ciidanka laga caawiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen khataraha dibadda.

Tirada cidamada Ilaalada Kacaanka ayaa lagu qiyaasaa ilaa 125,000, waxaana ay leeyihiin ciidamo dhulka ah, marka laga soo tago cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa cirka, waxaana ay kormeeraan hubka istiraatiijiga ah ee Iran

ILAALADA KACAANKA IRAN

Taliyaha Ciidanka ilaalada Kacaanka oo dhinac tagaan hogaamiye sare

Ciidamada Basij ee Iran

ILAALADA KACAANKA IRAN
Xoogaga abaabulan ee Iran ee loo yaqaan Ba

Ciidamadan waxa loo yaqaanka kuwa ciidanka abaabulka ama xoogaga wadaniyiinta waxayna ku xiran yihiin Ilaalada Kacaanka Iran kuwaas oo la rumaysan yahay inay ka kooban yihiin ilaa 90,000 oo rag iyo dumarba ka koobaan, kuwas oo awood u leh inay abaabulaan ilaa hal milyan oo mutadawiciin ah marka loo baahdo.

Shaqooyinka ugu muhimsan ee ay qabtaan xoogagan abaabulan ee Basij waxaa ka mid ah inay ka hortagaaan dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah maamulka ee ka jira gudaha Iran, sida dhacday sanadkii 2009-kii markaas oo rabshado ka dhaceen gudaha dalkaas ka dib markii lagu dhawaaqay in Maxamuud Axmed Najad ku guulaystay doorashadiii dhacday.

Xubnaha Basij ayaa ka horyimid banaanbaxa lagu taageerayay musharaxa kale ee Mirhossein Mousavi

Ciidamada Qudus

ILAALADA KACAANKA IRAN
Ninkii mudda dheer hogaaminayey ciidamada gaarka ee Qudus ee Maraykanku dilay Qaasim Sulaymani

Ciidamada Qudus ayaa ah cudud ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka, waxaana ay fuliyaan howlgalo xasaasi ah oo dibadda ah, sida hub iyo tababaro ay siiyaan kooxaha ku dhow dhow Iran, sida Xisbullah Lubnaan iyo kooxaha Shiicada ah ee Ciraaq kadib duulaankii Mareykanka ee Ciraaq 2003-dii.

Taliyaha ciidamada Qudus General Qasem Soleimani, oo hogaamiyaha ugu sareeya Ali Khamenei uu ku tilmaamay “Shahiid nool” ayaa ka dhisay gobolka xiriir ballaaran oo ka dhexeeya Yemen ilaa Suuriya, Ciraaq iyo dalal kale, si uu u noqdo wejiga ugu caansan ee heerka saamaynta Iran ee wadamadan, maa ahayn wax dhif iyo nadir ah inuu ka soo muuqda jiidaha hore ee dagaalka ay kula jiraan dagaalyahanada shiicada ee Suuirya iyo Ciraaq.

Saamayntooda ballaaran

Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa xiriir la leh Hogaamiyihii Sare ee dalka oo haya xilka Taliyaha ugu sareeya ee Ciidanka Xoogga dalka, waxaana Hogaamiyuhu uu awoodiisa u adeegsaday fidinta awooda iyo xoojinta awooda Ciidanka.

Waxa la rumaysan yahay in Ilaaladani ay gacanta ku hayso saddex meelood meel ka mid ah dhaqaalaha Iran, iyada oo ay gacanta ku hayaan hay’ado badan, lacago samafal ah, iyo shirkado ka shaqeeya dhinacyo kala duwan.

Waa hay’adda saddexaad ee ugu qanisan Iran marka laga reebo Shirkadda Shidaalka ee Iran iyo Imam Reza Endowment.

Doorkooda dibada

ILAALADA KACAANKA IRAN

Ciidanka ilaalada kacanka ayaa ka tiro badan ciidanka caadiga ee Iran, waxaana loo arkaa inay yihiin cudud ciidan oo xoog leh in badan oo ka mid ahna waxay gudaha iyo dibada ka fuliyaan howlgalo waaweyn

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa intii uu socday dagaalka Suuriya waxa ay ku waayeen qaar ka mid ah taliyaal sare oo caan ahaa oo ka mid ahaa Major General Hussein Hamedani oo ahaa Taliyihii Ciidamada Ilaalada ee dalka Suuriya, xilliyadii ay dagaalada ka socdeen dalka Suuriya gaar ahaan baadiyaha Xalab.

Waxa kale oo la aaminsan yahay in ilaalada kacaanku basaasiin gaara ku leeyihiin ama u joogaan safaaradaha Iran ee caalamka, iyadoo la sheegay in canaasiirtaasi ay fuliyaan hawlgallo sirdoon, oo ay samaystaan xeryo tababar, isla markaana ay gacan ka geystaan taageerada ay siiyaan xulafada Iran ee dibadda.

Ciidanka Quds waa laanta ugu caansan IRGC ee dibadda.

Cidankan ayaa hub, lacag iyo tababaro siisya xulufadooda bariga dhexe oo ay ku jiraan xulufadooda jooga Ciraaq,Suuriya iyo Lubnaan kuwasoo daacad u ah Iran.

Dr. Sanam Vikal oo ka tirsan xarunta cilmi baaritsa ee Chatham House dhanka arimaha caalamiga kuna sugan London ayaa sheegay in maamulka Iran uu Maraykanka u arko cadowgiisa ugu weyn iyagoo taageera kooxaha la xulufada ah weerarada ay ka gaystaan gobolka.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay ciidamada Quds iyo kooxaha ay Iran taageerto inay boqolaal askari oo Mareykan ah ku dileen Ciraaq iyo meelo kale oo ka tirsan bariga dhexe.

Baarlamaanka Yurub ayaa soo saaray qaraar uu ku taageerayo in ciidamada ilaalada kacaanka Iran lagu tilmaamo koox argagixiso, balse wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub waa in ay ogolaadaan tallaabadaas.

Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku daray Ilaalada Kacaanka Iran sanadka 2019 taas oo ay ugu wacan tahay taageerada dheeraadk ah ee Ilaalada Kacaanku ay siiyaan kooxaha hubaysan sida Xisbullah.

Continue Reading

Somali Reading

Waa kuwan nimankii weeraray Moosko

Published

on

By

Dhammaantood iyaga oo leh calaamado muujinaya dhaawacyo ku yaalla ayay ka soo hor muuqdeen maxkamad ku taala caasimadda ruushka, waa afarta nin ee ku eedaysan in ay gaysteen weerarkii lagu dilay ugu yaraan 139-ka qof ee dhacay Moscow.

Waxay afartuba ku eedaysanyahiin in ay gaysteen fal argagaxisonimo

Jimcihii tagay, ayay rag hubaysan gudaha u galeen masrax ku yaala magaalada Krasnogorsk ee oo dhacda waqooyiga magaalada Moscow, waxayna rasaas ku fureen dadweynihii masraxa daawanayay, ilaa 6,000 qof ayaana kasoo qayb galay bandhig faneed halkaa ka socday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale waxa ay sababeen dab xoogan oo ku fiday goobtaasi, waxa ayna sababtay in saqafka uu soo dumo.

Marka laga soo tago dadka dhintay, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in in ka badan100 qof ay ku dhaawacmeen.

Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ama IS, ayaana sheegatay in ay weerarkaas fulisay, halka mas’uuliyiinta Ruushka ay markii hore sheegeen in sheegashada ururka ay tahay mid “been ah”.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa markii ugu horeysay qiray Isniintii in “Islaamiyiinta xagjirka ah” ay ka dambeeyeen weerarka , laakiin wuxuu soo jeediyay in weerarka uu yahay olole ballaadhan oo ruushka ku aadan oo cabsigelin ah hormuudna ka tahay Ukraine.

Waaxda Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB) ayaa sheegtay inay afartan nin ku qabteen gobolka Bryansk, oo qiyaastii 400 oo kilomitir koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Moscow, 14 saacadood kaddib markii uu weerarku dhacay.

Raggan ayaa maxkamada ka soo muuqday, waxaana masuuliyiinta Ruushka ay magacyadooda ku sheegeen Dalerdzhon Mirzoyev, Saidakrami Murodali Rachabalizoda, Shamsidin Fariduni iyo Muhammadsobir Fayzov.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Ruushka ee Tass, waxay u dhasheen dalka Tajikistan, oo ku yaala waqooyiga Afgaanistaan.

Bayaan ka soo baxay maxkamadda oo ku saabsan oo lagu baahiyay barta Telegram, ayaa lagu sheegay in Mirzoyev uu “si buuxda u qirtay dambigiisa” iyo in Rachabalizoda uu sidoo kale isna qirtay.

Afarta qof ayaa ku sii jiri doona xabsi ka hortag ilaa ugu yaraan May 22, ayay maxkamadu ku dartay.

Todobo qof oo kale ayaa lagu xiray dalka Ruushka, kuwaasoo looga shakisan yahay inay gacan ka geysteen weerarka.

Calaamadaha dharbaaxada

Ninka la sheegay in uu yahay Muhammadsobir Fayzov, oo miiska naafada ku fadhiya

Ninka la sheegay in uu yahay Muhammadsobir Fayzov, oo kursiga naafada ku fadhiya

Muuqaal laga soo duubay, ayaa waxaa la arkaayay ciidamo booliis ah oo wajiyada xidhan, kuwaasi oo eedaysanayaasha usii wada maxkamadda degmada Basmanny ee caasimadda dalka Ruushka.

Intii ay maxkamadda ku sugnaayeen, afartan qof waxay ku jireen muraayad gudaheeda, waxaana ilaalinayay ciidamo booliis ah oo wejiyada soo duubtay.

Sawirada waxaad ku arki kartaa calaamado muujinaya garaaca maxaabiista.

Markii wax laga weydiiyay jirdilka lagu eedeeyay, afhayeenka aqalka Kremlinka Dmitry Peskov wuxuu diiday inuu ka hadlo shir jaraa’id Isniintii.

Ragga ay maxkamaddu magacyadooda ku sheegtay Mirzoyev iyo Rachabalizoda ayaa lahaa indho madoow, dhegta dambena faashad ayaa ku xidhnayd, sababta oo ah in qayb ahaan la jaray markii la soo xidhayay.

Mirzoyev ayaa sidoo kale u muuqday inay qoorta ugu xidhan tahay bac kala jeexan.

Wajiga ninka lagu magacaabo Fariduuni ayaa si xun u bararay, halka ninka lagu magacaabo Fayzov uu u muuqday inuu miyir beel ah, isaga oo gaariga la galiyay maxkamadda, isagoo xiran dharka isbitaalka.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, waxa uu u muuqday in ay il maqan tahay.

Mid ka mid ah ragga la xidhay ee maxkamadda kasoo muuqday

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mid ka mid ah ragga la xidhay ee maxkamadda kasoo muuqday

Baadhitaano socda

Ururka Daacish (IS) ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii Jimcihii la soo dhaafay sida ay ku baahiyeen Telegram-ka, waxayna daabaceen caddeymo muuqaal ah oo muujinaya kooxihii weerarka geystay oo tooganaya dadkii ku sugnaa hoolka bandhigga.

Peskov ayaa Isniintii sheegay in aysan habooneyn in laga hadlo dhacdada illaa baaritaanka la dhameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay taageertay kuwa weerarka soo qaaday.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Axadii diiday eedeymahaas, waxaana agaasinka sirdoonka militariga uu sheegay inay tahay “wax aan macquul ahayn” in la soo jeediyo in nimanka ay isku dayayeen inay ka gudbaan xuduud aad u miinaysan, oo ay ka buuxaan boqolaal kun oo askarta Ruushka ah.

Adrienne Watson, oo ah afhayeenka golaha ammaanka qaranka Mareykanka, ayaa sheegtay in IS ay “kaliya mas’uul ka tahay weerarka, aysana jirin wax ku lug lahaansho Yukrayniyaan ah weerarka”.

Labo ka mid ah eedeysanayaasha
Labo ka mid ah eedeysanayaasha

Daacish oo beegsanaysa Ruushka

Maraykanka ayaa uga digay Moosko horaantii bishan weerar lagu qaado Ruushka oo lagu bar tilmaameedsado isu soo baxyo waaweyn. Kadib waxay soo saartay ogeysiis guud oo ku wajahan muwaadiniinteeda ku sugan dalka.

Digniintan waxaa meesha ka saaray Kremlinka oo ku tilmaamay dacaayad iyo isku day lagu doonayo in lagu farageliyo doorashadeeda madaxtinimo.

Washington ayaa sheegtay weerarka kadib in aysan jirin sabab ay uga shakiyaan sheegashada IS.

Ma noqon doonto markii ugu horeysay oo IS iyo xulafadeeda ay weeraraan Ruushka ama danahooda dibadda.

Kooxdan ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeyntii diyaarada Ruushka laga lahaa ee sanadkii 2015-kii lagu duqeeyay hawada dalka Masar oo ay saarnaayeen 224 qof oo u badnaa muwaadiniin Ruush ah. Waxay sidoo kale sheegteen weerarkii bam ee 2017-kii lagu qaaday tareenka dhulka hoostiisa mara ee St. Petersburg, kaas oo ay ku dhinteen 15 qof.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in kooxdu ay u aragto Ruushka bartilmaameedka koowaad sababo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorkii uu waddanku ku lahaa burburinta saldhigga awoodda IS ee Suuriya isagoo taageeraya dowladda Bashar al Assad.

Continue Reading

Somali Reading

Wax ka ogow jeneraallada sarsare ee Ruushka looga dilay Ukraine

Published

on

By

Warbaahinta Dowladda Ruushka waxay sheegtay in jeneraal Roman Kutuzov looga dilo dagaalka Ruushka. Laakiin, kuwee ka mid ah jeneraallada sarsare ee kale ee isla dagaalkaas lagu dilay?

Warbaahinta Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay dhimashada mid ka mid ah jeneraallada ugu sar-sarreeya oo lagu dilay dagaal xoog leh oo ka dhacay gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Sarreeye gaas Roman Kutuzov waxaa la dilay xilli uu hoggaaminayay duullaan, sida uu sheegay weriye la shaqeeya warbaahinta dowladda Ruushka ee Rossiya 1.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka weli kama hadlin arrinta.

Milateriga Ukraine ayaa dhankooda xaqiijiyay in la dilay jeneraal Kutuzov, iyagoo aan bixin faahfaahin ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Wararka la isla dhex marayo baraha bulshada waxaa sidoo kale ku jira in sarkaal sare oo kale oo lagu magacaabo Roman Berdnikov oo hoggaaminayay guutada 29-aad lagu dilay dagaal dhacay dhammaadkii toddobaadka.

Ukraine waxay sheegatay in ay dishay 12 askari, iyadoo saraakiil sirdoonka Reer Galbeedka ay sheegeen in la dilay ugu yaraan toddobo saraakiil sarsare oo Ruush ah.

Hase yeeshee, wuxuu jahawareer ka taagan yahay warbixinnada sheegaya dhimashada saraakiil kale oo Ruush ah. Saddex jeneraal oo ciidanka Ukraine ay sheegeen inay dileen ayaa la soo weriyay in ay nool yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan halkan hoose idinkula wadaagaynaa xog ku saabsan qaar ka tirsan jeneraallada Ruushka ee la sheegay in lagu dilay dagaalka Ukraine.

Jeneraallada kale ee laga dilay Ruushka

Yakov Rezantsev

Waxaa la sheegay in Lieutenant-General Yakov Rezantsev uu ku dhintay duqeyn ay Ukraine ka geysatay saldhigga ciidamada cirka ee Chornobayvka ee u dhow magaalada Kherson.

Wuxuu ahaa taliyaha 49-aad ee ciidamada isku dhafka ah ee qaybta militariga ee Koonfurta Ruushka.

Wuxuu ka qayb qaatay howlgalkii ciidamada Ruushka ee Suuriya.

Oleg Mityaev graphic

Major General Oleg Mityaev ayaa lagu dilay meel u dhow Mariupol, oo ah magaalo ku taal koonfur-bari Ukraine oo ay ka dhaceen qaar ka tirsan dagaaladii ugu xoogganaa.

Guutada Qaranka Azov ayaa sheegtay in ay dileen.

Waxa uu ahaa taliyaha Qaybta 150-aad ee Ciidanka Ruushka, oo ah unug cusub oo la sameeyay 2016-kii, fadhigooduna ahaa Rostov oo u dhow xadka Ukraine.

Ukraine ayaa sheegtay in cutubkan loo sameeyay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen colaadda ka taagan deegaannada ay gooni u goosadka ka maamulaan ee Bariga Ukraine, inkastoo Ruushku uu beeniyay in ciidamadooda ay ku lug lahaayeen dagaallada halkaas ka socda.

Andrei Kolesnikov graphic

Maj Gen Andrei Kolesnikov, oo xubin ka ahaa Ciidanka 29aad ee Isku-dhafka ah, ayaa lagu dilay dagaalka 11-kii Maarso, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah oo Ukraine ah.

Lama shaacin qaabka uu u dhintay.

Kaddib markii Kolesnikov uu noqday jeneraalkii saddexaad ee Ruushka ah ee la sheegay in lagu dilay dalka Ukraine, sarkaal reer galbeed ah ayaa sheegay in laga yaabo in ciidamada Ruushka ay niyad jabsan yihiin, waana sababta keentay in saraakiisha sare ee militariga ay ku dhawaadaan jiidda hore ee dagaalka.

Andrey Sukhovetsky

Sarreeye gaas Andrey Sokhovitsky waxaa la rumeysan yahay in uu ahaa taliye ku-xigeenkii isla cutubka Gerasimov, waxaana la soo tabiyay in la toogtay 3-dii March.

Sukhovsky waxa uu qayb ka ahaa hawlgallada milatari ee Ruushka ee Crimea iyo Suuriya

Si ka duwan jeneraalada kale, geerida Sukhovsky waxaa lagu sheegay warbaahinta Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale khudbad uu jeediyay ku xaqiijiyay in Jeneraalku uu ku dhintay dalka Ukraine.

Continue Reading

Somali Reading

Sababta ay Xuutiyiintu u weerarayaan maraakiibta maraya Badda Cas

Published

on

By

Kooxda mucaaradka Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya qeybo badan oo Yemen ah, ayaa ka digay inay beegsan doonaan dhammaanba maraakiibta maraya Badda Cas ee Israa’iil ku wajahan.

Bishii November, xoogagga Xuutiyiinta ayaa afduubtay markab lala xiriirinayo Israa’iil oo marayay Badda Cas. Labadii bilood ee lasoo dhaafay, waxay sidoo kale gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen dhowr maraakiib ganacsi.

Sidee ayay Xuutiyiintu u weerareen bartilmaameedyada Israa’iil?

Kaddib billowgii howlgalka aargoosashada ee Israa’iil ee Gaza 19-kii October, mucaaradka Xuutiyiinta ayaa dhowr gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ganay Israa’iil.

Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibtiisa dagaalka ee Badda Cas ah qaar ka mid ah hakiyeen, halka kuwo kalena ay gaca dhigteen Badda Cas amaba geyiga Masar.

Xuuti

Bishii November 2023, mucaaradka Xuutiyiinta ayaa la wareegay waxa ay ku sheegeen inuu ahaa markab xamuul oo Israa’iil ay leedahay oo marayay Badda Cas, iyagoo geeyay meel ka tirsan xeebta Yemen.

Israa’iil ayaa sheegtay in markabka aysan iyadu lahayn, isla markaana aysan shaqaalihiisa ku jirin Israa’iiliyiin, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laga yaabo in markabka uu leeyahay qof Israa’iil u dhashay.

Tan iyo 3 December, Xuutiyiinta ayaa dhowr markab ganacsi oo Badda Cas marayay ku weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo laga soo ganay xeebaha Yemen.

Maraakiibta Mareykanka, UK iyo Faransiiska ayaa dhexda u galay dhowr ka mid ah gantaalladan, balse dhowr markab ayaa lala helay gantaal.

Shirkadda Mediterranean Shipping, oo ah shirkadda ugu weyn adduunka ayaa sheegtay in maraakiibteeda ay ka weecineyso Badda Cas. Waxaa sidoo kale ku raacay shirkadda Faransiiska ee CMA CGM, tan Denmark laga leeyahay Maersk, tan Jarmalka ee Hapag-Lloyd iyo shirkadda shidaalka ee BP.

Milatariga Mareykanka ee Centcom, oo maamusha howlgallada milatariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa tiri: “weerarradan, iyadoo ay geysteen Xuutiyiinta Yemen, waxaa si buuxda u taageeraysay Iiraan.”

Mareykanka ayaa soo jeediyay ciidan maraakiibta badda ee ganacsiga ka difaaca weerarrada Xuutiyiinta.

Maxay tahay ujeeddada Xuutiyiinta?

Xuutiyiintu waa koox hubeysan oo Yemen ku sugan waxayna kasoo jeedaan Muslimiinta Shiicada laga tirada badan yahay ee Zaidis.

Kooxda waxaa sanadkii 1990-meeyadii loo aasaasay inay la dagaallamaan waxa loo arkay musuqmaasuq uu waday madaxweynihii xilligaas, Cali Cabdalla Saalax.

Waxay magacooda ka qaateen hoggaamiyihii kooxda aasaasay, Xuseen al-Xuuti. Waxay sidoo kale isugu yeeraan Ansar Allah.

Kaddib duullaankii Mareykanku horkacayay ee Ciraaq sanadkii 2003, Xuutiyiinta ayaa la yimid halqabsiga: “Allaa weyn. Geeri ha hesho Mareykanka. Geeri ha hesho Israa’iil. Habaar ha helo Yahuudda, guulna h usoo hoyato Islaamka.”

Waxay ku dhawaaqeen inay qeyb ka yihiin “seefta iska caabbinta” ee Iiraan ay horkaceysay kana dhanka ahaa Israa’iil, Mareykanka iyo reer-Galbeedka oo dhan – iyagoo kaashanaya Xamaas iyo Xisbullah.

Tan ayaa sharraxaad ka bixineysa sababta ay haatan Xuutiyiintu u beegsanayaan maraakiibta Israa’iil laga leeyahay ee maraya Gacanka, ayuu yiri Hisham Al-Omeisy, oo ah khabiir ku sugan Yemen kana tirsan Machadka Nabadda ee Yurub.

“Haatan waxay dhabtii la dagaallamayaan kuwa sii ballaarinaya awooddooda, waxay la dagaallamayaan cadowga qaranka Islaamka,” ayuu yiri. “Taas ayaa aad xiriir ula leh saldhiggooda.”

Xuutiyiinta

Sidee ayay gacanta ugu dhigeen qeybo badan oo ka tirsan Yemen?

Xuutiyiinta ayaa awood sare oo siyaasadeed ku hantay Yemen horraantii 2014, markii ay ku kaceen ninkii ka guuleystay Cali Cabdalla Saalax, ee Abdrabbuh Mansour Hadi.

Markii ay heshiis la galeen Saalax – cadowgoodii hore – waxay isku dayeen inay xukunka ku soo celiyaan.

Waxay la wareegeen gobolka Sacda oo ku yaalla waqooyiga Yemen horraantii 2015-kiina waxay qabsadeen caasimadda Sanca, iyagoo Madaxweyne Hadi ku qasbay inuu dibadda u qaxo.

Xuutiyiinta

Xuutiyiinta ayaa doonayay inay meesha ka saaraan madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi (Bidix) ayna soo celiyaan Ali Abdullah Saleh (Midig)

Deriska Yemen, Sacuudi Carabiya, ayaa militari ahaan u soo faragelisay si ay isugu daydo inay meesha ka saarto Xuutiyiinta ayna xukunka kusoo celiso Hadi. Waxaa taageerayay Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn.

Xuutiyiinta ayaa sii waday dagaalka iyagoo sii qabsanayay qeybo badan oo Yemen ah.

Waxay dileen Cali Cabdalla Saalax sanadkii 2017 markii uu isku dayay inuu la safto Sacuudiga.

Yaa taageera Xuutiyiinta?

Xuutiyiinta
Burburka diyaarad Yemen laga soo duqeeyay oo taalla caasimadda Imaaraatka Carabta ee Abu Dhabi sanadkii 2022

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa xiriir la leh kooxda hubeysan ee Shiicada ah Xisbullah oo fadhigoodu yahay Lubnaan.

Xisbullah ayaa siinayay khibrad ballaaran oo militari iyo tababar tan iyo sanadkii 2014, sida laga soo xigtay machadka baaritaanka Mareykanka, the Combating Terrorism Center.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale Iiraan u arka xulafo, sababtoo ah Sacuudiga waa cadowgooda ay wadaagaan.

Iiraan ayaa looga shakisan yahay inay hub siiso mucaaradka Xuutiyiinta.

Continue Reading

Trending

You cannot copy content of this page