Connect with us

Somali Reading

Ismaandhaafka soo kala dhex galay Israa’iil iyo Maraykanka

At vero eos et accusamus et iusto odio dignissimos ducimus qui blanditiis praesentium voluptatum deleniti atque.

Photo: Shutterstock

Published

on

Cod bixinta QM

Israa’iil ayaa meesha ka saartay kulamo ay ku yeelan lahayd Washington ka dib markii Maraykanku uu ka gaabsaday inuu codka diidmada qayaxan ee Veto u adeegsado baaqii u golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku baaqay xabbad joojin ka dhaqan gasha Qasa.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu “isaga dhaqaaqay” siyaasadiisii hore.

Ismaandhaafkan ayaa yimid ayadoo ay jiraan baaqyo la xiriira in si degdeg ah looga baaqsado macaluul ka dhacda Qasa.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, Maraykanku wuxuu awoodda Veto u adeegsaday seddex qaraar oo uu golaha amaanka ee Qaramada Midoobay soo saaray, kuwaasoo ku baaqayey in dagaalka la hakiyo ama xabbad joojin. Laba qaraar oo kale ayaa waxaa Veto ku hor istaagay Ruushka iyo Shiinaha.

Isniintii ayaa Maraykanku wuxuu ka aamusay qaraar ku baaqayey in si “degdeg ah” xabbad joojin loo hirgaliyo inta ka dhiman bisha Ramadaan, “ si degdeg ah oo aan shuruud lahaynna loo sii daayo dhamaanba la haystayaasha”.

Cod bixinta markii ay dhacday ka dib, Mr Netanyahu wuxuu diiday in qaraarka uusan ku baaqin xabbad joojin ku xiran shuruud ah in la sii daayo la haystayaasha, ayadoo Maraykanka iyo Israa’iil ay ku doodeen in sidaa ay noqoto.

 afhayeenka golaha amniga qaranka Maraykanka John Kirby

Afhayeenka golaha amniga qaranka Maraykanka John Kirby

Israa’iil waxay rumaysan tahay in Xamaas iyo saaxiibadood ay weli Qasa ku haystaan 130 qof oo ay ku jiraan 33 hore loo aaminsanaa in ay dhinteen.

“Qaraarka maanta la ansixiyey wuxuu Xamaas siinayaa rajo ah in cadaadiska caalamiga ah uu ku khasbayo Israa’iil inay ogolaato xabbad joojin ayadoo aan la sii deyn la haystayaasheenna, taasoo dhibaato u gaysanaysa dagaalka iyo dadaalka lagu sii deynayo la haystayaasha” ayaa lagu xusay qoraal laga soo saaray xafiiska Mr Netanyahu.

Wuxuu qoraalku intaa ku daray “Ayadoo laga amba qaadayo mowqifka Maraykanka, booqashadii qorshaysnayd ee wafdi Israa’iil ka socda ay ku tagi lahaayeen Maraykanka todobaadkan ma sii soconayso”.

Saraakiil ka kala socda Israa’iil iyo Maraykanka ayaa lagu waday inay ka wada hadlaan qorshaha weerarka Israa’iil ee magaalada Rafax ee ku taalla koofurta Qasa, halkaasoo dad lagu qiyaasay 1.5 Malyan oo qof ay gabaad ka raadsadeen, ayagoo ka soo cararay meelo kale oo ku yaalla Qasa.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa si aan qarsoodi ahayn u sheegay in hawlgalka dhulka ee Rafax uu keeni doono khatar ah in la dilo dad kale oo rayid ah oo dheeraad ah “Mana aha sida looga guulaysan karo Xamaas” ayuu sii raaciyey.

Qaxooti ku sugan Rafax

Qaxooti ku sugan Rafax

Isagoo ka jawaabayey go’aanka Israa’iil ayaa afhayeenka golaha amniga qaranka Maraykanka John Kirby wuxuu sheegay in uu aad “uga xunyahay”, laakinse wuxuu ku celiyey aragtida Maraykanka ee ah in “weerar weyn oo dhulka ah oo lagu qaado Rafax uu noqonayo khalad weyn”.

Wuxuu intaa ku daray in kulamada qorshaysnaa ee dhex mari lahaa wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil Yoan Gallant iyo la taliyaha amniga Qaranka ee Maraykanka Jake Sullivan ay sidoodii loo qorsheeyey u sii socon doonaan.

Yair Lapid, hogaamiyaha mucaaradka ee Israa’iil , horena u soo noqday wasiir, ayaa dhaliilay go’aanka Mr Netanyahu, wuxuuna ku tilmaamay mid aan “baahi loo qabin”, wuxuuna sheegay in Mr Natenyahu uu yahay “Qayrul mas’uul”.

“Israa’iil way u xun tahay, amniga way u xun tahay, dhaqaalaha way u xun tahay” ayuu ku soo qoray barta X ee hore loo dhihi jiray Twitter.

Qaraarkii soo baxay Isniintii ayaa yimid ayadoo walaac weyn uu ka jiro xaaladda bani’aadminimada ee aadka u ba’an ee ka taagan Qasa.

Todobaadkii hore ayaa Mr Blinken wuxuu ka digay in gabi ahaanba dadka ku nool Qasa ay soo food saarto “heer aad u liita oo ah hubaal ba’an oo xagga cuntada ah”.

Somali Reading

Attempted Coup in DRC Foiled, Involving US Citizens

Published

on

DRC Army Neutralizes Coup Leader Christian Malanga, Arrests 50 Including Three Americans

In a dramatic turn of events, the Democratic Republic of Congo (DRC) thwarted an attempted coup early Sunday morning, resulting in the death of the coup leader, Christian Malanga, and the arrest of approximately 50 individuals, including three American citizens. Gunfire erupted around 4 a.m. in Kinshasa, with armed men targeting the presidency and the home of Vital Kamerhe, a key political figure.

Malanga, a US-based Congolese politician, had previously attempted a coup in 2017. During this recent attempt, Malanga was killed during the assault on the Palais de la Nation, and one of the arrested Americans was identified as his son. The attackers’ motives were articulated in a live-streamed video on a Facebook page linked to Malanga, where he expressed frustration with the current government led by President Tshisekedi and Kamerhe.

In a concerning development, a shell fired from Kinshasa landed in Brazzaville, Republic of Congo, causing injuries and highlighting the regional instability stemming from the failed coup.

US Ambassador Lucy Tamlyn expressed deep concern over the involvement of American citizens and pledged full cooperation with DRC authorities to investigate and hold accountable those responsible.

UN’s stabilization mission in the DRC, led by Bintou Keita, condemned the coup attempt and offered support to the Congolese government.

President Tshisekedi, who was re-elected in December and is yet to finalize his government, postponed the parliamentary election scheduled for Saturday, adding to the country’s political tension. Vital Kamerhe, a prominent figure and potential speaker of parliament, was also targeted in the attacks.

The situation remains tense as the DRC navigates the aftermath of the coup attempt, grappling with internal and regional security challenges while striving for political stability and governance.

Continue Reading

Somali Reading

Iranian President and Foreign Minister Die in Helicopter Crash

Published

on

In a tragic turn of events, Iranian President Ebrahim Raisi and Foreign Minister Hossein Amirabdollahian were discovered dead at the site of a helicopter crash in northwestern Iran. State media reported that the crash occurred near Varzaqan in East Azerbaijan province due to adverse weather conditions.

The helicopter was returning from a meeting with Azerbaijani President Ilham Aliyev, where the officials had participated in the inauguration of a dam project. Aliyev expressed his profound sorrow and offered prayers and assistance, highlighting the close ties between the two nations.

Global leaders extended their condolences, with Pakistan’s Prime Minister Shehbaz Sharif declaring a day of mourning, and Indian Prime Minister Narendra Modi expressing shock and solidarity with Iran. Iraqi Prime Minister Mohammed Shia al-Sudani and UAE President bin Zayed Al Nahyan also conveyed their condolences.

According to Iran’s constitution, Vice President Mohammad Mokhber will temporarily assume presidential duties until a new election is held within 50 days. Raisi, seen as a potential successor to Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei, was elected in 2021 amid a contentious election process.

This tragedy has cast a pall over Iran, with the nation mourning the loss of its top leaders and pondering the future political implications.

Continue Reading

EDITORIAL

G7 Aid to Somalia Sparks Controversy Amidst Somaliland Recognition Debate

Published

on

By Kasim Abdulkadir:

The Inequity: Somaliland’s Struggle for Recognition Amidst Western Neglect

Somalia’s battle against Al Shabaab receives a fresh injection of funds, with the European Union approving €116 million ($117 million) for stabilization efforts, primarily aimed at the Somali National Army. In parallel, the UK contributes $2.8 million to the UN Support Office in Somalia to combat extremism.

However, glaringly absent from these aid initiatives is Somaliland, underscoring the stark contrast in treatment between Somalia and Somaliland.

Despite being excluded from international aid efforts, Somaliland forges ahead with plans for the 2024 elections, reaffirming its commitment to democratic governance amidst the ongoing turmoil in the region.

This disparity in support lays bare the hypocrisy of Western powers, who claim to champion democracy and self-determination while turning a blind eye to Somaliland’s legitimate aspirations for statehood.

Somaliland’s Quest for Recognition:

Somaliland has long sought international recognition as an independent state, backed by its stability, functioning governance structures, and democratic credentials. However, its efforts have been stymied by a lack of strategic diplomacy and meaningful support from key stakeholders. While the recent MoU with Ethiopia was hailed as a potential breakthrough, Somaliland’s diplomatic missteps and unilateral actions have hindered its progress on the global stage, perpetuating its status as an unrecognized territory.

Ethiopia’s Strategic Calculations:

Ethiopia’s embrace of Somaliland must be viewed through the lens of its own strategic interests and regional ambitions. By forging closer ties with Somaliland, Ethiopia seeks to access the Red Sea through its ports, diversify its trade routes, and counterbalance its fraught relationship with Somalia.

However, Ethiopia’s unilateral actions have exacerbated tensions in the region, further destabilizing an already volatile landscape.

The G7’s Hypocrisy:

The G7 nations find themselves in a moral quagmire, espousing principles of democracy and self-determination while tacitly endorsing Somalia’s corrupt and ineffectual government. Their reluctance to support Somaliland’s quest for recognition underscores their complicity in perpetuating the status quo, prioritizing geopolitical interests over democratic ideals.

Their call for dialogue and restraint rings hollow in the face of Somaliland’s legitimate grievances and aspirations for self-determination.

Somaliland’s Resilience:

Despite facing neglect and indifference from the international community, Somaliland remains undeterred in its pursuit of recognition and self-governance. As it navigates the complexities of geopolitics, Somaliland must prioritize strategic diplomacy and cultivate meaningful alliances to advance its cause on the world stage.

By demonstrating its capacity to govern effectively and responsibly, Somaliland can challenge the status quo and pave the way for a brighter future for its people.

In conclusion, the plight of Somaliland serves as a stark reminder of the hypocrisy and double standards of Western powers, who claim to champion democracy and human rights while perpetuating injustice and inequality in the Horn of Africa. As Somaliland charts its path forward, it must continue to assert its sovereignty and demand the recognition it deserves, holding the international community accountable for its complicity in perpetuating its marginalization.

Continue Reading

EDITORIAL

Hanjabaadaha Nukliyeerka ee Putin iyo Khatarta Ku Xeeran

Published

on

Iyadoo ay sii xumaaneyso xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo reer galbeedka, ayaa waxaa qeylo dhaan ka soo yeertay caalamka oo dhan, hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ee ku saabsanaa in diyaaradaha F-16 ay qaadi karaan hubka Nukliyeerka ah. Waqtiga ay dadaallada diblumaasiyadeed ay muhiim u yihiin ilaalinta xasilloonida, hadalada Putin ayaa kaliya u adeegaya inay sii xumeeyaan xaalad markii horeba kacsanayd.

Caddaynta Putin ee ah in joogitaanka F-16-yada nukliyeerka ku hubaysan aanay waxba ka beddeli doonin ma aha oo kaliya hanjabaad laakiin waa khatar aan si hawl yar loo marin habaabin karin.

Hadaladan oo kale ayaa kor u qaadaya halista ay xaaladdu leedahay waxayna wiiqaysaa dadaallada lagu horumarinayo wada-hadallada iyo daminta colaadda. Halkii laga dejin lahaa xiisadda, hadalka Putin wuxuu gacan ka geysanayaa jawi aan la hubin iyo cabsi.

Rajada laga qabo hubka nukliyeerka ee ku jira gacanta diyaaradaha dagaalka ayaa sare u qaadaya khatarta xisaabinta khaldan iyo kororka aan loo baahnayn.

Xaalad xiisadeed, joogitaanka diyaaradaha hubka nukliyeerka ahi waxay horseedi karaan go’aanno degdeg ah waxayna kordhin karaan suurtogalnimada isku dhac masiibo ah.

Waxaa lama huraan ah in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay is xakameeyaan oo ay ka hormariyaan dublamaasiyadda.

Intaa waxaa dheer, faallooyinka Putin waxay hoosta ka xariiqayaan baahida degdegga ah ee loo qabo dadaallada dib-u-cusbooneysiinta ee lagu xoojinayo tallaabooyinka xakameynta hubka loogana hortagayo fidinta hubka nukliyeerka.

Balaadhinta awoodaha nukliyeerka ee aan la hubin waxay caawinaysaa oo kaliya inay sii khalkhal galiyaan muuqaalka amniga adduunka iyo kordhinta khatarta masiibada nukliyeerka.

Xilli dunidu ay wajaheyso caqabado badan, oo ay ku jiraan masiibada isbeddelka cimilada, waxa ugu dambeeya ee aan u baahanahay waa ku soo noqoshada burburkii xilligii dagaalkii qaboobaa. Halkii ay u adeegsan lahaayeen hanjabaad iyo caga-jugleyn, waa in madaxdu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen khataraha la wadaago iyo in la dhiso adduun ammaan ah oo nabad ah oo ay helaan jiilalka mustaqbalka.

Hadalada daandaansiga ah ee Putin waxa ay si weyn u xasuusinayaan khatarta ka iman karta hubka Nukliyeerka iyo baahida degdegga ah ee loo qabo tallaabo caalami ah oo wadajir ah si looga hortago isticmaalkooda.

Waxaa ku waajib ah madaxda caalamka in ay mudnaanta siiyaan dublamaasiyadda oo ay sii wadaan wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaadka si nabdoon.

Continue Reading

Somali Reading

Maxa ka jira in Turkigu hub ka iibiyay Israa’iil wakhtigan dagaalka Gaza?

Published

on

Saraakiisha Turkiga ayaa beeniyay warar la daabacay oo ku saabsan in dalkaasi uu hub ka iibiyay Israa’iil inta uu socdo dagaalka Gaza.

Arrintan ayaa timid kadib markii war rasmi ah oo wax dhoofinta ku saabsan oo lagu soo bandhigay baraha bulshada uu dood dhaliyay.

Machadka Tirakoobka Turkiga ee TUIK ayaa liiska hubka ay dibadda u dhoofiyeen bishii January soo bandhigay, waxaana ka mid ahayd walxaha “qarxa, hub iyo rasaas loo dhoofiyay Israa’iil,” taasoo cambaareyn weyn ay ka dhalatay.

TUIK ayaa beenisay wararkii horudhaca ahaa, iyadoo sheegtay in Turkigu uu dhoofiyay qeybo yar oo hubka ka mid ah ee aysan ahayn rasaas iyo agabka dagaalka.

Continue Reading

Somali Reading

Waa ayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay dooneyso Israel inay disho?

Published

on

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant ayaa shalay wacad ku maray in ciidamadiisu ay baabi’in doonaan hoggaamiyaha Xamaas, Yaxya Sinwar, iyo kuwa kale ee kooxda.

Mar uu shalay khudbad u jeednayay ciidamada dalkaas ee IDF, ayaa wuxuu sheegay in Xamaas laga cirribtiri doono Marinka Qasa.

“Dhammaadka dagaalka Xamaas ma joogi doonto Qasa, wax qalqal ammaan Israa’iil ugama imaan doono Qasa, Israa’iilna xorriyad buuxda ayay u heli doontaa inay howlgallo ammaan ku fuliso cid walba [oo khatar na gelisa],” ayuu yiri wasiirku.

Hadalladiisa ayaa kusoo aadaya xilli Israa’iil ay sii xoojisay howlgalladeeda Qasa, iyadoo beegsatay goobo ay deggan yihiin Xamaas.

Xamaas ayaa ku qaaday Israel mid ka mid ah weeraradii ugu waxyeelada weynaa abid ee loo geysto Israel. Weerarkaas oo galay maalinkii afaraad waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 1500 oo Israel u dhashay, iyada oo duqeymaha Israel ee Qasa na lagu dilay dad ka badan 700 boqol oo Falastiiniyiin ah.

Weerarrada ay qaadeen ciidamada gaarka ah ee Xamaas ee loo yaqaan Qassaam waxay u muuqdeen kuwa qorshaysan oo dhowr weji leh. Tobaneeyo nin oo hubaysan ayaa u muuqda inay gudaha u galeen Israa’iil iyaga oo ka galay dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay.

Israel waxay duqeyn aan la joogsi lahayn ku wataa marinka Qasa, iyada sidoo kale biyaha, korontada iyo cuntada, iyo wax walba oo keli oo magaaladan dibeda uga baahan tahay ka xayirtay. Madaxda Israel waxay sheegeen inay ka aargudan doonaan weerarka ay Xamaas ku qaaday iyaga oo bartilmaameydsan doono hoggeemiyeyaasha kooxdaas.

Waa ayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay dooneyso Israel inay disho?

Yaxya Sinwar, Hoggaamiyha Xamaas ee Qasa

AFP
Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyaha Xamaas (midig), iyo Yaxya Sinwar, Hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa

Waa ninka koowaad ee sida weyn ay u baadigoobeyso Israel. Yaxya Sinwar waa hoggaamiyaha kooxda Xamaas ee gudaha Qasa, oo ah magaalo xeebeed dhan walba ka go’doonsan oo ay ku nool yihiin dad ka badan labo milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah. Waxay Israel ku tilmaamtay in uu yahay hoggaanka weerarka lagu qaaday ee waxyeelada weyn u geystay. Afhayeen u hadlay militiriga Israel Daniel Hagari ayaa ku sheegay in uu agtooda ka yahay ‘nin dhintay’, isaga oo intaas ku daray inay bartilmaameydsan doonaan hoggaanka ciidanka iyo siyaasadda ee Xamaas iyo hantidooda ba.

Yaxya oo ah ninka ugu sarreeya hoggaanka Xamaas ee Qasa waxaa loo arkaa in uu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee kooxda, iyo ninka labaad ee ugu awoodda badan Xamaas kadib Ismaaciil Haniyah, oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda, laakiin dibadjooga ah. Waxa uu ku dhashay xerada Koonfurta marinka Qasa ee qaxootiga Falastiin ee Khan Yunis sanadkii 1962di, isaga oo daraasaadka Carabiga kaga takhasusay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa. Saddex jeer ayaa la xiray – 1982, 1985 iyo 1988dii. Markii ugu horreysay waxaa la xiray isaga oo jaamacadda dhigta, halkaas oo uu ahaa hoggaamiyaha ardayda.

Waxa uu madax ka noqday qarabka amniga ee Xamaas bartamihii 1980kii, isaga oo masuul ka ahaa dabogalka iyo ciqaabista Falastiiniyiinta ku eedeysan inay la shaqeeyaan Israel. Laakiin waxay Israel xirtay 1988dii isaga oo xabsi ku jiray ilaa 2011, markaas oo uu qeyb ka noqday heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo lagu siidaayay 1000 qof oo Falastiiniyiin ah, iyo Askari Israel oo shan sano u xirnaa Xamaas. Weli waxa uu ku nool yahay xeradii qaxooti ee u uku dhashay ee Khan Yunis. Diyaarada dagaalka ee Israel ayaa duqeeyay gurigiisa intii uu socday weerarka Xamaas, laakiin lama sheegin wax soo gaaray Yaxya Sinwar.

Maxamed Deif, hoggaamiyaha ciidamada gaarka ah ee Xamaas, Qassam

AFP
Maxamed Daif

Waa ninka halka labaad uga jira liiska hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay Israel dooneyso inay qaariso. Maxamed Deif waxa uu weerarka ay ciidamadiisu qaadeen ku tilmaamay in uu jawaab u yahay lix iyo tobanka sano ee ay Qasa ku jirto go’doominta, iyo tacadiyada kale ee ay Israel u geysato Falastiiniyiinta. Waxay Falastiiniyiin badan u arkaan libaax iyaga oo ku amaana kaalinta uu ku leeyahay iska-caabinta Israel, laakiin waxa uu marar badan ka badbaaday iskudayo shirqool di loo ay Israel fulineysay.

Waxaa la rumeysan yahay in uu yahay maskaxda ka dambeysa weerarka Xamaas ay sabtidii ku qaaday Israel, oo ay ciidamadiisu gudaha ugu galeen Israel. Tobanaan sano ayuu dagaal kula jiraa Israel, isaga oo ku dhex koray Xamaas oo uu hadda u yahay hoggaamiyaha militariga kooxda.

Waxaa uu labaatan sano kahor ka badbaaday duqeyn circa ah oo ay fuliyeen Israel. Laakiin waxa uu ku waayay gacan iyo lug. Waxa uu sidoo kale ku waayay mid ka mid ah labadiisa il weerar kale. Duqeymaha Israel ayaa 2014kii dilay xaaskiisa iyo ilmo yar oo uu dhalay. Waa maskaxda ka dambeysa farsamada gantaalada Xamaas ee loo yaqaan Qassam, kuwaas oo kumanaan ka mid ah lagu duqeeyay Israel maalmaha uu socda dagaalka, iyo marinada qarsoodiga ah laga jeexay dhulka hoose ee Qasa.

Macnaha neynaastiisa Deif waa ‘marti’, taas oo ay ugu baxday dhaqanka ah in habeen ba uu meel ku baryo isaga oo ay martigelinayaan taageerayaashiisa, si uu uga badbaado baadigoobka iyo duqeymaha Israel.

Abuu Cubeyda, Afhayeenka militariga Xamaas

Facebook

Waa ninka ku dhawaaqay inay dili doonaan maxaabiista Israel islamarkaas na baahin doono muuqaalo iyo cododka muujiya haddii ay Israel duqeyso deegaanada iyo dhismeyaasha dadka rayidka ah ee Qasa diginin la’aan.

Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ay Israel ugu necebtahay oo ay sida weyn u baadigoobeyso. Waxa uu horey u shaaciyay inay Xamaas qabatay tiro maxaabiis Israel u dhashay, kuwaas oo uu sheegay in lagu hayo goobo ammaan ah oo Qasa ku yaal.

Tan waxay albaabka u furi kartaa xaalad kale oo adag iyo wada hadalo dabo-dheeraan kara oo laga yaabo inay horseedaan maxaabiis isweydaarsi dhexmarta Xamaas iyo Israel.

Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyaha Xamaas

AFP
Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyah waxa uu degan yahay Qatar

Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyah waxa uu ku nool yahay dibeda Qasa, si gaar ah Qatar. Ma ahan meel ay si fudud u bartilmaameydsan karto Israel.

Muuqaal uu baahiyay xafiiskiisa waxa uu muujinayay isaga oo ku sugan Dooxa, oo u debaaldegaya weerarka ay kooxdiisu ku qaaday Israel.

Waxa uu ugu yeeray weerarka ‘Howlgalka daadka ee Qasa’ isaga oo wacad ku maray inay sii xoojinayaan dagaalka ay doonayaan inay ku ‘xoreeyaan dhulkooda iyo dadkooda ku jira xabsiyada Israel’ sida uu sheegay.

Waxa uu intaa ku daray kooxaha kale ee hubeysan ee Falastiin ay dagaalka ku fidin doonaan Daanta Galbeed iyo Qudus.

Waxa uu horey uga badbaaday iskuday shirqool dil oo ay fulisay Israel, isaga oo ka qaxay Qasa 2016kii isaga oo u guuray Qatar.

Continue Reading

Somali Reading

Isbarbardhigga awoodda militeri ee Israa’iil iyo Iiraan

Published

on

Iran ayaa uga digtay Israa’iil xiisad ka dhalan karta gobolka haddii militariga Israa’iil ay galaan Qasa duullaan dhanka dhulka ah, iyada oo dagaalka Xamaas uu galay todobaadkii labaad.

Arrintan ayaa muuqata walaac hore leh oo keeni karta isku dhac toos ah oo dhex mara labada dal waa Israa’iil iyo Iiraan e.

Qoraalkan, waxaynu ku eegaynaa awoodda milleteri ee labada dal:

Awoodda ciidan iyo hub ee Israa’iil

.

Israa’iil waxay leedahay mid ka mid ah miletariga ugu awoodda badan adduunka, oo ay ku xoojiso in ka badan $3.8bn oo gargaar milatari ah sannadkii oo ay ka helaan Mareykanka.

Israa’iil waxay leedahay cudud ciidan oo baaxad leh oo ka kooban 169,500 oo ciidan milatari oo ka kala hawlgala, badda iyo ciidamada qalabka sida, sida uu qabo machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadeed ‘(IISS) uu soo saaray 2023

Muwaadiniinta da’doodu ka weyn tahay 18 jir ee dalkaas ayaa looga baahan yahay in ay u adeegaan ciidamada; Marka ay ku biiraan, ragga ayaa la filayaa inay shaqeeyaan 32 bilood iyo haweenka oo iyana shaqeeya 24 bilood.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Cilmi-baadhista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), oo ah hay’ad cilmi-baadhis ku sameysa colaadda iyo hubka, Israa’iil waxay ku bixisay 23.4 bilyan oo doolar ciidamadeeda sannadkii 2022.

Haddaba aynu qayb qay iyo tiradeeda u dul istaagno:

Ciidammada

  • 169,500 ciidan shaqaynaya
  • 465,000 ciidammo kayd ah

Awooddooda dhanka dhulka

  • 2,200+ taangi
  • 530 madaafiic ah oo kala ah noocyada (SP, Towed, MRL, MOR)

Awooddooda cirka

339 diyaaradood oo awood dagaal oo ay ku jiraan 309 dayuuradaha dagaalka

  • 196 F-16 diyaaradood
  • 83 F-15 diyaaradood
  • 30 F-35 diyaaradood
  • 142 helikobtar

Awoodda badda

  • 5 maraakiibta quusta
  • 49 roondo ah iyo kuwa dagaalka xeebaha ah

Hannaanka difaaca ee Iron Dome

.
Waa ciidanka gaarka ee Israel oo wareegaya aagagii dagaalka

Iron Dome waa qalab loo nashqadeeyay si uu uga hortago gantaallada ridada dhow ee khatarta ku ah Israa’iil

Hannaanka Iron Dome oo ay wadajir u dhiseen shirkadaha Rafael Advanced Defense Systems iyo Israel Aerospace Industries ayaa la hawlgeliyay sanadkii 2011.

Qalabkan oo la rumaysan yahay inuu kamid yahay kuwa ugu horumarsan caalamka ayaa isticmaala raadaar si uu u aqoonsado isla markaana u burburiyo gantaallada ku socda Israa’iil ka hor inta aanay khasaare geysan.

Hannaankan oo ku shaqeeya jawi kasta ayaa si gaar ah loogu qaabeeyay in uu ka hortago hubka ridada gaaban, gaar ahaan gantaallada laga soo gano Gaza.

Kharash badan ayaa ku baxay sameynta Iron Dome, balse shirkadaha dhisay ayaa sheegay in faa’iidadiisa ugu weyn ay tahay in uu kala sooci karo gantaallada ku dhici kara deegaannada ay dadka ku badan yihiin iyo kuwa kale.

Hannaanka ayaa beegsada oo keliya gantaallada loo arko inay khatarta yihiin.

Toban sano kadib markii la hawlgeliyay Iron Dome, Israa’iil ayaa hadda haysata toban xabo oo hannaankaas difaaca gantaallada ah, kuwaas oo la dhigay qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Mid kasta oo ka mid ah waxaa ku xiran saddex ama afar gane oo midkiiba uu ridi karo 20 gantaal oo ka hortag sameeya.

Israa’iil ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay haysato awoodaha Nukliyeerka, sida uu sheegay machadka IISS, oo sheegay in dalkaasi uu haysto gantaallada Jericho iyo diyaarado qaadi kara madaxyada Nukliyeerka.

Intee ayay ku qarash garaysaa Isra’iil milleterigeeda?

Sannadkii 2022, Israa’iil waxay ku bixisay $23.4bn ciidankeeda, sida uu qabo Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), machad cilmi-baaris oo diiradda saaraya colaadaha iyo hubka.

Tani waxay gaareysaa $2,535 qofkiiba inta lagu jiro xilliga 2018-2022, taasoo ka dhigaysa adduunka dalka labaad ee ugu badan ee ku qarash-gareeya lacagta miisaanayadeeda marka loo eego qofka inta kaga hagaagaysa, dalka Qatar keliay ayaana ka horreeya.

2022, Israa’iil waxay 4.5 boqolkiiba wax soo saarka gudaha (GDP) u hibaysay milatariga, taas oo iyana ka dhigan in ay tahay dalka 10aad ee ugu sarreeya adduunka ee GDP-gooda geliya ciidankooda.

Awoodda ciidan iyo hub ee Iran

.
Awooda gantaalaha ee Iran ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah awooddeeda ciidan

Tirada militariga Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 523,000 oo leh cutubyo kala duwan ee ciidammada, sida uu sheegay machadka barashada istaraatijiyada ee fadhigiisu yahay UK.

Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC).

Waxaa sidoo kale jira 20,000 oo kale oo ah ciidamada badda isla markaana qeyb ka ah kuwa ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan.

Waxay ciidamadan ku howlgalaan tiro ah doomaha ilaalada xeebaha iyaga oo si gaar ah uga howlgala marin biyoodka Hormuz, oo horey dhowr iska hor imaad oo lagu afduubtay Maraakiib uu uga dhacay 2019.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay sidoo kale maamulaan guutada lagu magacaabo Basij, oo ah xoogag si tabarucaad ah u howlagala islamarkana gacan ka geysta cadaadiska lagu sameeyo dadka dowladda ka soo horjeeda ee gudaha Iran.

Ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran.

Waa sidee howlgalladooda dibedda?

Cutubka lagu magacaabo Xoogagga Qudus, ee uu hoggaamin jiray Janaraal Soleimani, ayaa waxay goobo ka baxsan Iran ka fuliyeen howlgallo, iyaga oo wakiil ka ah ilaalada kacaanka islamarkana waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga, Ayatollah Cali Khamenei.

Waxaa la rumaysan yahay in xoogagga lagu magacaabo Qudus ay tiradooda dhan tahay qiyaastii 5,000.

Cutubkan ayaa waxaa loo daadgureeyay xilli kala duwan Suuriya waxaana qeyb ka ahaa la taliyayaal militari oo daacad u ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad.

Dalka Ciraaq, waxa ay taageereen maleeshiyaadka Shiicada oo iyagu ka adkaaday kooxdii la baxday dowladda Islaamka.

Balse, Mareykanka ayaa sheegay in xoogaggan Qudus ay door ballaadhan ciyaaraan iyaga oo taageero dhaqaale, mid tababar iyo qalab siiya ururo ay Washington u aqoonsan tahay argagixiso kuwaasi oo ka howlgala bariga dhexe.

Waxaa ururadan ka mid ah ururka Shiicada ee Xisbullah iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad.

Dhibaato dhaqaale iyo cunaqabateyno ayaa curyaamiyay hubka ay Iran dibadda ka soo dhoofsan jirtay, hubkaasi oo ah mid si aad ah u yar marka loo barbar dhigo dalalka kale ee gobolka.

Qiimaha qalabka difaaca ee Iran ay dibadda ka keensatay intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2018-kii ayaa ah mid u dhiganta 3.5% marka loo barbar dhigo Sacuudiga isla sanadahaasi intii ay soo iibsadeen , sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee cilmi-baarida nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm.

Inta badan waxay qalabka gaashaandhiga ay Iran ka soo iibsatay Ruushka iyo Shiinaha.

Iiraan ma leedahay Gantaalo?

.
IRGC waxay u kala baxaan ciidanka badda iyo cirka, waxayna ilaaliyaan hubka istiraatiijiga ah ee Iran

Awoodda gantaalada Iran waa mid ka mid ah quwadeeda militari ee ugu muhimsan, iyada oo ay jirto in awoodda dhanka cirka ay ka liidato marka loo barbar dhigo dalalka ay is hayaan sida Israa’iil iyo Sacuudia.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa ku tilmaamtay in awoodda Gantaallada Iiraan ay yihiin kuwa ugu balaadhan bariga dhexe.

Gantaallada ayaa ka kooban kuwa riddada gaaban iyo Gantaalada riddada dhex.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Iran ay tijaabinayso Tiknoolajiyadda hawada sare si ay awood ugu yeelato hormarinta gantaalada qaaradaha isaga gudba oo iyagu meel fog gaari kara.

Hasa yeeshee, barnaamijka gantaallada riddada dheer ayay Iran hakisay taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Niyukleerka ee ay Iran 2015 la galeen dalalka quwadaha waawayn, sida laga soo xigtay machadka Royal United Services Institute (Rusi).

Balse, Iiraan ayaa mar kale dib u bilaabi kartaa barnaamijkaasi iyada oo la eegayo hubinti la’aanta heshiiskaasi.

Hasa yeeshee, Gantaalada Iraan ayaa gaadhi kara Sacuudiga iyo gacanka Carbeed, waxaana sidoo kale suuragal ah in ay Israa’iil bartilmaameedsan karaan.

Hubka kale ee ay Iiran haysato

Iyada oo ay jirto sanooyiin badan oo cunaqabatayn ah, ayaa hadana Iiran waxay sameysatay awood dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dalka Ciraaq, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiran ayaa 2016 waxaa loo isticmaalay dagaalkii ka dhanka ahaa IS.

Iran ayaa sidoo kale waxay diyaaradaheeda aan duuliyaha wadin mar galeen hawada Israa’iil iyaga oo ka soo kicitimay saldhig Suuriya ku yaalla.

Bishii June 2019, Iiran ayaa soo ridday diyaarad ah nooca aan duuliyaha laheyn oo Mareykanku leeyihiin, waxay Iran ku andacootay in ay diyaaradaasi soo gashay hawada Iran.

Sanadkii 2019, weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu qaaday xarunta shirkadda shidaalka ee Aramco.

Mareykanka iyo Sucuudiga labaduba waxay weerarkaas ku eedeeyeen Iran, inkasta oo ay Tehran beenisay inay ku lug leedahay.

Waxaa weerarkaasi masuuliyadiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Iraan hadda ma laha barnaamij hubka Nukliyeerka ah, waxayna horay u sheegtay inaysan doonayn. Laakiin waxa ay leedahay wax badan oo ka mid ah walxaha loo baahan yahay iyo aqoonta lagu abuurayo awoodda nukliyeerka.

Continue Reading

Somali Reading

Waa kuma taliyaha sare ee Iiraan looga dilay gudaha Suuriya?

Published

on

Madaxweynaha Iiraan Ibraahim Raisi aya ku hanjabay dalkiisu inuu ka aargoosan doono dilka taliye sare oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan kaas oo ka dhacay dalka Suuriya, isla markaana lagu eedeeyay in ay ka danbeeysay Israa’iil.

War qoraal ah oo laga soo saaray dilka Razi Mousavi oo ka mid ahaa taliyayaasha ugu sarreeya ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayuu Madaxweyne Ibraahim Raisi carabka ku adkeeyay in “Israa’iil ay ka shaleyn doonto danbiga dilka mas’uulka sare”.

Xussen Amir Abdollahian, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sidoo kale ugu hanjabay Israa’iil in ay tallaabo ka qaadi doonaan kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter.

Sidoo kale bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in Sarreeye Guuto Razi Mousavi, oo ahaa taliyaha ugu sarreeya ciidanka Iiraan ee Suuriya ku sugan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mousavi uu ahaa lataliye sare oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo in uu si gaar ah “mas’uul uga ahaa taageeridda jabhadda iska caabbinta” ee Suuriya.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa ku tilmaamay Israa’iil in qaadi doonto mas’uuliyad weerarkana ayna qaadi doonaan cawaaqibka ka dhasha arrintaan.

Razi Mousavi iyo Qassem Soleimani
Razi Mousavi iyo Qassem Soleimani

Telefishinka qaranka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in Mousavi lagu bartilmaameedsaday “saddex gantaal” oo ku dhacay deegaanka Saynabiyaha ee magaalada Dimishiq, waxaana uu baahiyay muuqaalo muujinaya qiiq aad u xoogan oo ka baxaya goobta uu gantaalku ku dhacay.

Xuseen Akbari, safiirka Iran ee Suuriya, ayaa sheegay in Mousavi uu ku sugnaa xafiiskiisa oo ku yaalla dhismaha safaaradda Iiraan ilaa 2:00 duhurnimo, ka dibna uu aaday gurigiisa.

Sida laga soo xigtay safiirka Iiraan, guriga Mousavi ayaa la beegsaday 3:00 PM, waxaana meydkiisa lagu tuuray daaradda guriga.

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in weerarkaan lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo gacansaar la leh Iiraan iyo Xisbullaah.

Israa’iil kama aysan hadlin arrintan, laakiin Nasir Kanani, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, isagoo cambaareeyay Israa’iil, wuxuu ku nuuxnuuxsaday xaqa ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah u leedahay inay “qaadato tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay uga jawaabto tallaabadan waqtiga iyo goobta saxda ah”.

Arday ka tirsan Jaamacadda Teran oo ku taal meel ka soo horjeedda xarunta Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa dhigay isku soo bax ay ku dalbanayaan in loo aaro sarkaalkan.

Waa kuma Razi Mousavi?
Razi Mousavi
Razi Mousavi

Wuxuu mas’uul ka ahaa isku-dubbaridka isbahaysiga milatari ee u dhexeeya Suuriya iyo Iiraan, waa uu ahaa hoggaamiyaha qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda gobolka ee Iran xulafada iyo wakiillada bariga dhaxe.

Mousavi waxaa uu ahaa mid ka mid ah taliyeyaasha ugu da’da weyn ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, wuxuuna ka shaqeynayay dalalka Suuriya iyo Lubnaan ilaa 80-meeyadii.

Waxaa la sheegay in Razi Mousavi uu taariikh dheer ku lahaa dalka Suuriya, wuxuuna xiriir dhow la lahaa Qassem Suleeymaan , taliyihii hore ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabcday wakaaladda wararka Iiraan, waxaa uu ka mid ahaa saraakiil la socotay Qassem Suleeymaan, kaasoo lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ka fuliyeen Ciraaq 2020.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mid ka mid ah ciidamada Iiraan ee fadhigoodu yahay Suuriya la dilo.

Dhowr jeer oo hore, tiro ka mid ah ciidamada la taliyayaasha Iiraan ayaa lagu dilay Suuriya, kuwaas oo qaarkood ay ahaayeen taliyayaal sare.

Continue Reading

Trending

You cannot copy content of this page